Waa Sidee Xaalada Mane Iyo Thiago Kahor Kulanka Everton Ee Berri? Jurgen Klopp Oo Faah-Faahin Muhiim Ah Bixiyay

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay xaalada xiddigaha kooxdiisa ee Thiago Alcantara iyo Sadio Mane kahor kulanka adag ee Merseyside Derby ee ay berri Goodison Park ku booqan doonaan kooxda Everton.

Liverpool ayaa isha ku haysa inay kasoo kabato ceebtii kulankii ugu dambeeyay kasoo gaadhay Aston Villa oo si lama filaan ah ugu xasuuqday Villa Park.

Image

Dhinaca kale Everton oo qaabkeedii ugu wanaagsanaa ku bilaabatay xilli ciyaareedka ayaa doonaysa inay sii wado bandhigeeda wanaagsan kaddib markii ay soo guuleysteen afartii kulan ee ay ilaa haatan kasoo ciyaareen horyaalka.

Klopp oo shirkiisa jaraa’id ee kulankaas ka horreeya ka hadlay ayaa sheegay in Thiago iyo Mane labaduba ay diyaar yihiin oo ay shan ilaa lix maalmood tababarka ka qayb qaadanayeen.

Sidoo kale tababaraha ree Germany ayaa sheegay inay qiimayn ku samayn doonaan haddiiba uu xanuunka Korona Fayras ee uu saamayn daal ah kaga tagay oo ay daalan yihiin.

“Iyagu tababarka ayay diyaar ku ahaayeen shan ilaa lix maalmood kahor” ayuu ugu horreynba yidhi Klopp oo ka farxiyay jamaahiirta Reds.

“Dabcan midaas (Daalka) maalin kasta ayaanu qiimaynaa waxaananu leenahay qiyaasahayaga gaarka ah, waanu qiyaasi karaynaa haddii ay sidii caadiga ahayd ka daal badan yihiin laakiin labaduba kuwo aad u fiican ayay u eegyihiin dhab ahaantii”

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.