Waa Maxay Talaabada Hoggaamiyenimo Ee Uu Kabtan Sergio Ramos Qaadayo Kulanka Man City Ee Uu Ka Maqnaan Doono?

Walow uu ganaax ku maqnaan doono oo uusan kasoo muuqan doonin kulankaas, haddana kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa samayn doona calaamad kale oo caddayn weyn u ah nooca hoggaamiye ee uu yahay.

Real Madrid oo guuldarro 2-1 ah kala soo kulantay Manchester City kulankii koowaad ee wareega 16-ka ayaa booqanaysa magaalada Manchester gaar ahaan gegida Etihad Stadium 7-da bishan August.

Bisa Dua Digit Gol di Liga Spanyol Musim Ini, Sergio Ramos?

Iyadoo ay kulankaas guul soo laabasho ah u baahan doonaan, ayuu falka uu ku kacayo Ramos yahay inuusan shaashad ka daawan doonin kulankaas balse uu la safri doono xiddigaha kooxda si uu u garab istaago isla markaana dhiirigelin u siiyo.

Sergio Ramos ayaa si xoogan u aaminsan in kooxdiisu ay natiijadii hore dhinaca kale u rogi karto isagoo dhinaca kale qaba in kulankii hore aysan guuldarro u qalmin balse lagu ciqaabay laba qalad oo kaliya.

Ku dhawaad lix bilood ayaa kasoo wareegay kulankii Santiago Bernabeu ka dhacay, xiddigaha uu hormoodka u yahay macalin Pep Guardiola ayaa kasoo kabtay dib u dhacoodii ugu weynaa oo ahaa inay xilli ciyaareedkan 18 dhibcood ka dambeeyeen Liverpool oo horyaalka qaaday.

Real Madrid ayaa qabatay shaqada City caksigeeda marka la eego dhinaca horyaalada, waxa ay dhinaca kale u roggeen hoggaan ay Barcelona ka haysay iyagoo shan dhibcood oo saafi ah ku qaaday horyaalka La Liga.

Xiddig laf-dhabar usoo ahaa natiijooyinkii ay Real Madrid horyaalka ku qaaday ayaa ahaa Kabtan Ramos balse hadda ayuu isku dayi doonaa inuu saamayn xoogan ku yeesho banaanka garoonka.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.