Waa Kuwan 11 Ka Ciyaartoy Ee Heerka Labaad Kooxahoodu U Dhaceen Ee Qiimo Wanaagsan Lagu Heli Karaa-Miyuu Klopp Markale Dhex Gali Doonaa?

Saddexda kooxood ee Norwich City, Bournemouth iyo Watford ayaa heerka labaad u dhacay kadib markii la soo gaba gabeeyay xili ciyaareedka horyaalka Premier League.

Kooxaha heerka labaad u dhacaa waxay inta badan lumiyaan ciyaartoyda tayada sare leh ee kooxahooda ku jiray waxayna sababta ugu wayni tahay in ciyaartoydu ayna doonayn in ay heerka labaad ka ciyaaraan iyo in kooxuhu ayna heli karin mushaarka qaaliga ah ee lacagtii ay Premier league ka heli jireen.

Waxayna taasi keentaa in kooxaha waa wayn ee Premier league ay ishaha mariyaan ciyaartoyda ugu fiican ee kooxaha heerka labaad u dhacay waxaana lagu xusuustaa saamayntii uu Jurgen Klopp xili ciyaareedyadii la soo dhaafay arintan ku lahaa.

Klopp ayaa kooxaha heerka labaad u dhacay ee Stoke City, Hull City iyo Newcastle United oo soo laabtay waxa uu qiimo aad u hooseeya kaga helay Gini Wijnaldum, Shaqiri iyo Andy Robertson laakiin waxaa markale lays waydiinayaa haddii uu xidigii afraad ka soo dhex qaadi doono kooxaha heerka labaad u laabtay.

Haddaba waxaa la soo xulay shaxda 11 ka xidig ee ugu tayada fiican kooxaha Norwich City, Bournemouth iyo Watford ee ay kooxaha waa wayn ama kuwa kale ee Premier League heli karaan.

Xidiga kooxda Norwich City ee Todd Cantwell oo markii horeba xiiso badan ka helayay kooxaha Yurub ugu waa wayn oo ay ku jirto Liverpool ayaa noqonaya ciyaartoyda heerka labaad ula dhacay kooxaha aan soo xusnay ee markiiba lala wareegi karo.

Khadka dhexe ee kooxda Watford ee Abdoulaye Doucoure oo ay kooxaha waa wayn ee Yurub doonayeen ilaa sanadkii hore, Joshua King oo ay Man United hore u doonaysay iyo xidigo badan oo kale ayaa laga soo celin karaa kooxaha heerka labaad u dhacay.

Difaacii hore ee Chelsea ee Nathan Ake oo hadda Bournemouth heerka labaad ula dhacay ayay Man City doonaysaa in ay ka dhigto xidiga ugu horeeya ee uu Guardiola kooxdiisa ku soo xoojin doono.

Shaxda Kooxda Laga Sameeyay Ciyaartoyda Ugu Fiican kooxaha heerka labaad u dhacay oo dhamaystiran

Nathan Ake and Troy Deeney are among the stars that could leave this summer

Goolhaye : Ben Foster-Watford

Difaaca Midig: Max Aarons-Norwich City

Difaaca Dhexe: Nathan Ake-Bournemouth

Difaaca Dhexe: Ben Godfrey-Norwich City

Difaaca Bidix: Diego Rico-Bournemouth

Khadka dhexe: Todd Cantwell-Norwich City

Khadka dhexe: Abdoulaye Doucoure-Watford

Garabka Midig: Gerard Deulofeu-Watford

Garabka Bidix: Joshua King-Bournemouth

Weerarka: Teemu Pukki-Norwich City

Weerarka: Troy Deeney-Watford

Haddaba akhriste, intan oo ciyaartoy ah kuweed jeclaan lahayd in ay kooxda aad taageertaa qiimo hoose ku soo iibsan karto?

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

8 Comments

  1. Waxan Taageeraa Arsenal
    Markaa waxan ka soo qaadan lahaa
    ✅Maximilian Aaron🇬🇬
    ✅Nathan Ake🇳🇱
    ✅Abdalaaye Doucure🇫🇷
    ✅smaila Sarr🇸🇳

Leave a Reply

Your email address will not be published.