Waa Kuma Xiddigii Ugu Hibada Badnaa Ee Aad Lasoo Ciyaartay? Robin Van Persie Oo Su’aashan Culus Ka Jawaab Celiyay

Weeraryahankii hore ee kooxaha Manchester United iyo Arsenal ee Robin Van Persie ayaa soo xushay liis ka kooban lix ciyaaryahan oo uu kaga jawaabay su’aal laga weydiiyay xiddigii ugu hibada badnaa ee uu lasoo ciyaaray.

Kabtankii hore ee Arsenal oo saddexdiisii sano ee ugu dambeeyay ee England ku qaatay Old Trafford ayaa sanadkii hore kubadda cagta kaga fadhiistay da’da 35 sano jir.

Van Persie

Van Persie ayaa si muran xoogan dhalisay sanadkii 2012 uga dhaqaaqay Arsenal isla markaana ku biiray Man United kaddib markii uu diiday heshiis kordhin uu Emirates Stadium kusii joogayay.

RVP ayaa sanadkiisii ugu horreeyay ee Red Devils ku guuleystay horyaalka Premier League isagoo horyaalkii 20-aad ka caawiyay kooxdaas isla markaana kasoo baxay sababtii uu tababare Sir Alex Ferguson maaliyada No.20 ugu xidhay.

Weeraryahankan hore ee ree Netherlands ayaa u muuqda mid si weyn ugu soo raaxaystay mudada kooban ee uu soo joogay Man United maadaama oo uu afar halyeey oo kooxdaas ah ku daray liiskan lixda xiddig ee uu soo xushay.

Mar ay BBC Sport weydiisay xiddigii ugu hibada badnaa ee uu kasoo garab ciyaaray Robin ayaa ku jawaabay “Aad ayay u adagtahay in hal mid la magacaabo”

“Waxaan dooran lahaa Dennis Bergkamp, Thierry Henry, Ryan Giggs, Paul Scholes, Wayne Rooney iyo Ruud Van Nistelrooy”

Van Nistelrooy ayaa ka tagay Man United sanadkii 2006 balse Van Persie ayay kusoo wada ciyaareen xulka qaranka Holland xilli ay isku dar 172 kulan iyo 85 gool labadoodu usoo wada dhaliyeen dalkaasi.

Ugu dambayn, Van Persie ayaa sidoo kale labadii daafac dhexe ee Man United ee Nemanja Vidic iyo Rio Ferdinand ku sifeeyay daafacii ugu wanaagsanaa ee uu abid kahor tagay.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.