Waa Kuma Xiddiga Weyn Ee Ay Barcelona Saxeexiisa Ku Tashanaysay Suuqan Balse Uu Pep Guardiola Kahoos Xadayo Kooxdiisii Hore?

Wararka laga helayo warbaahinta kala duwan ee kubadda cagta saacadihii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Kooxda Manchester City ay soo cusbooneysiisay xiisaha ay u qabto weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez kaasoo ay aad u dooneysay Kooxda Barcelona.

Iyadoo kooxda mudada dheer xiisaynaysay ee Barcelona ay qorsheynayaan inay la soo wareegaan xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina xagaagaan hadana waxay u muuqataa in 23 jirkaani xilli ciyaareed kale sii joogi doono San Siro waana sababta keentay inay tartanka soo gasho Man City si ay ugu faaideysato Fursadan.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay The Sun, City ayaa dooneysa inay uga hormarto Laacibkan kooxda reer Catalan, taas oo dhexda ugu jirta mushaakil dhanka maamuulka iyo cyaartoyda ah, sidoo kale Warbixinta ayaa soo jeedineysa in kooxda ka ciyaarta horyaalka Premier League ay diyaar u tahay inay bixiso £ 81m iyagoo doonayan inay sameeyaan hal saxiix oo muhiim ah inta suuqa kala iibsiga furanyahay.

Martinez ayaa lagu amaanaa inuu kooxdiisa Inter keenay Final Europa League sidoo kale waxay kaalinta labaad ku dhameysteen Horyaalka Xilli Ciyaareedkii dhamaaday isagoo u dhaliyay 21gool tartamada oo dhan.

Pep Guardiola ayaa dadaal dhera uga jira raadinta bedelka weeraryahanka Sergio Aguero kaasoo qandaraaskiisa Etihad Stadium uu dhacayo sanadka soo socda ee 2021.

Lautaro Martinez ayaa loo arkaa inuu halka ugu sarreysa kaga jiray qorshaha suuqa xagaagan ee kooxda Barcelona oo qudheedu u arkaysay bedelka mudada dheer ee Luis Suarez oo u muuqda mid wakhtigiisii Camp Nou soo dhammaaday.

Madaxweynaha Barca ee Josep Maria Bartomeu ayaa dhawaan Luisito ka reebay liiska xiddigaha lama taabtaanka ah ee kooxdaas halka uu isaguna codsaday in loo sheego haddiiba uu iib yahay.

Neymar JR oo Paris Saint-Germain ka tirsan ayaa ah xiddiga magaca weyn leh ee ay Barcelona saxeexiisa iskaga leexatay suuqan sababtoo ah inay muhiimada koowaad siinayaan Lautaro Martinez.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.