Waa Kuma Xiddiga Uu Ole Gunnar Solskjaer Sida Cad Ugu Sheegay Man United Inay Lacagtiisa Bixiyaan Oo Ay U Keenaan Old Trafford?

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo warramayaa inuu madaxda sarre ee kooxdiisa u sheegay inay bixiyaan lacagta ay FC Porto ku doonayso iibka daafaceeda bidix ee Alex Telles oo kooxda bartilmaameed u ah.

Lacagta ay FC Porto dalbanayso ayaa ah 18 Milyan oo Pound halka Man United ay ilaa hadda u bandhigtay lacag 12 Milyan oo Pound ah iyadoo suuqa xagaagu xidhmayo Isniinta berri ah.

Sababta ay Manchester u diidan tahay inay bixiso lacagta Telles ayaa ah in heshiiskiisa Porto uu yahay mid dhacaya bilooyin kaddib isla markaana ay mudo kooban kaddib bilaash ku heli karaan.

Sida uu sheegayo wargeyska England fadhigiisu yahay ee The Mirror, macalinka ree Norway ayaa kooxdiisa u sheegay inuu saxeexa Telles isagu isla hadda doonayo oo aysan u waayin farqi 6 Milyan oo Pound oo kaliya ah.

Kaddib markii uu 13 gool iyo 12 caawimo kasoo sameeyay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, awooda weerar ee cajiibka ah ee 27 sano jirka ree Brazil ayaa dookh soo jiidasho leh uga dhigaysa saxeexiisa Red Devils.

Ole Gunnar ayaa qalbi jab weyn dareemaya gudaha suuqan maadaama oo ay adkaatay in loosoo xoojiyo safka Manchester United ee 2020-21 uu ku dagaal geli doono, Donny Van De Beek ayaa ah xoojinta kaliya ee ilaa hadda lagu soo sameeyay Manchester.

Laakiin Man United ayaa sidoo kale qarka u saaran saxeexeedii labaad ee suuqan oo u noqon doona weeraryahankii hore ee Paris Saint-Germain ee Edinson Cavani.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.