Waa Kuma Xiddiga Udub-Dhaxaadka U Ah Real Madrid Ee Wer-Werka Ku Riday Zidane Kaddib Markii Dhaawac Xulkiisa Looga Fasaxay?

Goolhayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois oo kamida xiddigaha uu tababare Zinadine Zidane wakhtigan ku dagaal galo kuwooda ugu wanaagsan ayaa lagu soo warramayaa inuu sabab dhaawac uga tagay xulka qarankiisa Belgium.

Xaaladan ayaa loo arkaa inay tahay mid taxadar ah oo laga hortagayo inuu halis noqdo xanuun dhaawac oo uu dareeemayo Thibaut taas oo dhalisay inuu tababare Roberto Martinez ka fasaxo xulka.

Marka laga yimaado inuu dhaawac haleelay isla markaana uu kasoo amba-baxay Belgium, Thibaut Courtois ayaa loo badinayaa inuu diyaar u noqon doono kulanka ay kooxdiisa Real Madrid wareega soo socda ee La Liga la yeelanayso dhigeeda Cadiz.

Maqnaanshaha Courtois ayaa haddiiba uu dhaco xaalad musiibo ah dhinaca goolhayayaasha ka gelin kara Los Blancos maadaama goolhayaha dookha labaad ee Andriy Lunin dhawaan laga helay xanuunka Korona oo uu karantiin ku jiro.

Courtois ayaa xanuunka dhaawaca muruqa ah ee uu qabo ka cabanayay kahor intii uusan ka tagin Real Madrid ee uusan ku biirin xiddigaha xulka lagu naanayso Red Devils. Kaddib baadhitaano ay ku sameeyeen kooxda caafimaadka ee xulku dhaawaca goolhayaha ayaa noqday mid la xaqiijiyay.

Thibaut ayaan ciyaari doonin midkoodna saddexda kulan ee kusoo wajahan Belgium oo kulan saaxiibtinimo Ivory Coast la yeelan doona kahor inta aysan Nations League ku wajahin England iyo Iceland.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.