Waa Kuma Xiddiga Real Madrid Kula Guuleystay Horyaalka Ee Shalay Guriga Ka Kiraystay Magaalada London?

Salaasadii toddobaadkan, waxa magaalada London lagu soo bandhigay guri uu iibsaday mid ka mid ah ciyaartoydii Real Madrid kula guuleystay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, kaas oo lala xidhiidhinayo inuu tegi doono mid ka mid ah kooxaha Premier League.

Goolhaye Alphonse Areola waxa uu amaah kula joogay Real Madrid xili ciyaareedkan, waxaana markii uu dhamaaday horyaalku uu u safray waddanka Ingiiriska, halkaas oo isaga iyo xaaskiisu ay sawir kusoo galeen guri cusub oo ay iibsadeen, kaas oo uu ku sheegay inuu yahay riyadoodii oo rumowday.

Goolhayahan oo ay tahay inuu PSG ku laabto maadaama heshiiskiisa ay ka hadhsan yihiin laba sannadood oo kale, laakiin laacibkan ayaa shaaciyey in riyadiisii uu ku rumeeyey magaalada London oo uu ka iibsaday gurigii isaga iyo xaaskiisu ay ku riyoon jireen.

Bartiisa bulshada ee Instagram ayuu goolhaye Alphonse Areola soo dhigay sawirka guri ay hro itaagan yihiin isaga, xaaskiisa iyo carruurtiisu, waxaana qoraal uu soo dhigay uu ku caddeeyey inay ka iibsadeen magaalada London.

“Sannado yar ka hor, riyadayadu waxay ahayd in gurigayagu noqdo London.” Ayuu Areola ku yidhi qoraalkiisa, waxaanu raaciyey: “Riyadayadu way rumowday.”

Goolhaye Alphonse Areola ayey u caddahay in Real Madrid iyo PSG aanu midkoodna boos joogto ah ka helayn, waxaanu doonayaa inuu ku biiro koox cusub oo uu goolhayaha koowaad ka noqon karo.

Dhawr kooxood oo horyaalka Premier League ah ayaa lala xidhiidhinayaa, waxaana ka mid ah Chelsea, iyadoo uu Lampard ka niyadjabsan yahay Kepa.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.