Waa Kuma Xiddiga Noqon Kara Bruno Fernandes-ka Arsenal Ee Uu Mikel Arteta Saxeexiisa Aadka U Doonayo Suuqan?

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa lagu soo warramayaa inuu halkiisa kasii wadayo doonistiisa kubad sameeyaha kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho xilli saxeexiisa haddiiba ay Gunners sameeyaan lala bar-bardhigay midkii saamaynta cajiibka ah yeeshay ee Man United ee Bruno Fernandes.

Arteta ayaa rajaynaya inuu suuqa xagaagan la saxeexdo Coutinho, xaqiiqada ah in Barcelona ay doonayso inay gabi ahaanba iska iibiso ayaa mid suurogal ah ka dhigaysa heshiis qabsooma.

Arsenal ayaa xilli horeba mid midho dhal ah ka dhigtay suuqeeda xagaagan xilli ay haatan doonayaan inay koox xoogan kasii bar-bar dhisaan guushoodii FA Cup-ka oo ay Chelsea kaga guuleysteen.

Arsenal ayaa xilli horeba keensatay Willian Borges, xiddiga ree Brazil ayaa horraantii bishan u wareegay Emirates Stadium isaga oo qaab xor ah ugaga biiray dhinaca Chelsea.

Sidoo kale dhammaadka amaba gudaha toddobaadkan ayaa la filayaa inay Arsenal ku dhawaaqi doonto saxeexa daafaca dhexe ee Gabriel Magalhaes oo kaga soo biiraya dhinaca horyaalka Ligue 1 gaar ahaan kooxda Lille.

Si kastaba, Arteta ayaan doonayn inay saxeexyada kooxda imanayaa halkaas ku joogsadaan, Mikel ayaa midaas ka warqaba kaddib markii ay kooxdiisu booska 8-aad kaga dhammaysatay miiska kala sarreynta Premier League ee xilli ciyaareedkii hore.

Taas ayaa ah sababta ay Arsenal u doonayso inay saxeexyadeeda kale kusoo darsato midka Coutinho, Barcelona ayaa dhinaceeda ka doonaysa inay iska iibiso 28 sano jirkaas si ay kor ugu qaado lacagaha ay suuqa ku galayso.

Kaddib kulankii uu xalay Bayern Munich metelay ee ay Champions League kaga qaadeen kooxda Paris Saint-Germain, Coutinho ayaa qirtay inay tahay inuu ku laabto Barcelona oo uu wadahadalo mustaqbalkiisa la xidhiidha la yeesho.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.