Waa Kuma Xiddiga Man United Ka Tirsan Ee Uu Durtaba Aadka U Amaanay Saxeexa Cusub Edinson Cavani?

Saxeexa cusub ee kooxda Manchester United ee Edinson Cavani ayaa amaan ugu qubeeyay ciyaaryahanka ay isku maalinta kusoo wada biireen kooxdaas kana soo wada jeedaan dalka uruguay ee Facundo Pellistri.

Cavani oo heshiiskiisii Paris Saint-Germain uu dhacay xilli ciyaareedkii hore ayaa heshiis hal sano ah u saxeexay Manchester halka Pellistri uu kaga yimid dhinaca kooxda ree Uruguay ee Penarol.

Edinson Cavani gives verdict on new Manchester United teammate Facundo Pellistri - Manchester Evening News

Pellistri oo kulankiisii ugu horreeyay ee xirfadle caalami ah kaliya ciyaaray bishii August ee sanadkii hore ayay layaab noqotay in Red Devils ay 10 Milyan oo Pound kasoo bixiyeen balse Cavani ayaa faah-faahin wanaagsan ka bixiyay sida uu ula dhacsan yahay.

Edinson ayaa sheegay inuu jecel yahay qaabka uu Pellistri u ciyaaro isla markaasna uu yahay da’yar waxbadan baranaya sidoo kalena wax badan bixin kara oo kooxda kusoo kordhin kara.

Cavani oo Pellistri ka hadlaya ayaa yidhi “Pellistri waa da’yar yar aniguna dhab ahaan waan jeclahay qaabka uu kubadda u ciyaaro”

“Isagu waa da’yar ay jiraan waxbadan oo uu baranayaa laakiin sidoo kale ay jiraan waxbadan oo uu soo kordhin karaa, isagu waxa uu xilli horeba ku muujiyay waxa uu samayn karo Penarol kulamadii uu kasoo ciyaaray”

Kaddib markii uu xagaagii hore u ciyaaray Penarol kulankiisii ugu horreeyay, Facundo Pellistri ayaa 30 kulan usoo ciyaaray kooxdiisaas kahor intii uusan Old Trafford usoo wareegin.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.