Waa Kuma Xiddiga Magaca Weyn Ku Dhex Barcelona Ee Ay Macquulka Tahay In Keydka Loo Dhaadhiciyo Kulanka Bayern Munich?

Tababaraha kooxda Barcelona ee Quique Setien ayaa lagu soo warramayaa inuu tix-gelinayo inuu kursiga keydka dhigo weeraryahanka kooxdiisa ee Antoine Greizmann kulanka muhiimka ah ee ay Bayern Munich la ciyaarayaan Jimcaha.

Kaddib markii ay dhawaan wareega 16-ka ee Champions League kaga soo gudbeen Napoli, Barcelona ayaa kooxda kusoo guuleysatay Bundesliga 14-ka bishan August kula ciyaaraysa gegida Estadio De Luz.

Haddaba, sida lagu qoray bogga hore ee wargeyska Sport maanta oo Salaasa ah, Setien ayaa u baahan doona inuu isbedelo ku sameeyo kooxdiisa kulankas Bayern si uu khadka dhexe ugula dagaalmo xiddigo ay kamid yihiin Thiago Alcantara iyo Leon Goretzka.

Xiddigaha khadka dhexe ee kooxdaas ee Arturo Vidal iyo Sergio Busquets ayaa seegay kulankii Napoli iyagoo ganaax ku maqnaa, ugu yaraan midkood ayaa soo laaban doona taas oo shaxda 4-4-2 ka dhigaysa.

Taas ayaa ka dhignaan karta inuu Quique Setien kulankaas keydka ku cabso Greizmann oo uu ku dagaal galo laba weeraryahan oo kala ah Lionel Messi iyo Luis Suarez.

In laga saaro shaxda Barcelona ee kulankii ugu muhiimsanaa ee kooxdaas soo mara mudo bilooyin ah ayaa dhammaystiri doonta xilli ciyaareed adag oo soo maray ciyaaryahankii hore ee Atletico Madrid.

29 sano jirkan ayaa qaab wanaagsan usoo ciyaaray Barcelona intii hore ee xilli ciyaareedkan balse inuu kaliya laba gool kasoo dhaliyay La Liga sanadkan 2020 ayaa dhalisay inuu eedaymo kala kulmo jamaahiirta kooxdiisa.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.