Waa Kuma Xiddiga Lagu Ilaaway Kursiga Keydka Man United Ee Ay Barcelona Saxeexiisa Aadka U Doonayso Suuqan?

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay xiiso u qabto saxeexa daafaca midig ee kooxda Manchester United ee Diogo Dalot kaas oo xilli ciyaareedkan aan fursad badan ka helin tababarihiisa Ole Gunnar Solskjaer.

Barcelona ayaa xiisaynaysay saxeexa Dalot sanadkii 2018 markii uu joogay kooxdiisii hore ee FC Porto balse waxa ka dalab xooganaatay Man United oo 19 Milyan oo Pound ka bixisay.

Wakhtigiisa Man United oo uu xilli ciyaareedkii labaad ku qaadanayo ayaan noqon sidii loo qorsheeyay, xilli ciyaareedkan ayuu kaliya 11 kulan kasoo muuqday tartamada oo dhan.

Sida uu sheegayo wargeyska Mundo Deportivo ee Spain fadhigiisa yahay, Barca ayaa doonaysa inay dalab kala ka gudbiso Dalot waxaana ay kalsooni ku qabaan inay ku dhawaad 10 Milyan oo Pound kusoo qancin karaan kooxda Old Trafford.

Heshiiska uu 21 sano jirkan ree Portugal ku joogo Old Trafford ayaa ah mid ay wali saddex sano oo kale ka hadheen balse iibkiisa ayaa ka caawin kara Manchester inay kor u qaado lacagaha ay suuqa ku galayso.

Barcelona ayaa booska daafaca midig hore loogula xidhiidhinayay Mattia De Sciglio oo Juventus ka tirsan balse wararkaas ayay iska fogaysay toddobaadkan iyagoo taas bedelkeeda cadaadiska saaraya doonistooda Diogo Dalot.

Markii ugu horreysay ee ay Barcelona daawatay Dalot oo ay mudo dheer u riyaaqsanayd ayaa ahaa kulan uu u ciyaarayay xulka Portugal ee da’doodu 17-ka ka yartahay oo guul ka gaadhay dhigooda Spain kulan Euro ahaa.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.