Waa Kuma Xiddiga Kubadda Cagta Ciyaara Ee Sida Tooska Ah U Codsaday Ciyaarta Legdanka Ee WWE?

Weeraryahanka kooxda heerka hoose ee England ee Wycombe oo lagu magacaabo Adebayo Akinfenwa dad badanina u arkaan inuu yahay ninka ugu xooga weyn kubadda cagta caalamka ayaa si cadaan ah u codsaday inuu ka ciyaaro legdanka amaba musaaricada shirkada WWE.

Adebayo ayay macquul tahay inuusan aad ugu faraxsanayn hibadiisa kubadda cagta ee caadiga ah balse awoodiisa cajiibka ah ayaa u fududaysay inuu wakhti wanaagsan ku qaato xirfadaas.

Akinfenwa wants to move to WWE

Adebayo Akinfenwa ayay mudo dheer daabacaadyo kala duwan oo ciyaar gacmeedka FIFA ahu ku qiimaynayeen inuu yahay ninka ugu xoogan kubadda cagta.

Akinfenwa ayaa hadda 38 sano jir ah waxaana la filayaa inuu deg-deg usoo dhammaan doono waayihiisa ciyaareed kaddib markii uu 720 kulan oo xirfadlenimo caalami ah soo ciyaaray.

Kahor munaasibadaha toddobaadkan ay RAW iyo Smackdown oo ah qaybaha kala duwan ee WWE ku qoranayaan, Adebayo Akinfenwa ayaa shaaciyay inuu yahay mid la heli karo oo diyaar u ah in lagu daro liiska la diiwaan gelinayo.

Akinfenwa ayaa xalay barihiisa bulshada kusoo bandhigay muuqaal uu soo duubay oo uu codsigiisa ugu dirayo Vince McMahon oo kamida xubnaha sarre ee lagdankaas.

“Waxa jiray warar badan oo xan ah iyo xan-shaashaq badan sidaas darteed anigu waxaan hadda nafsiyan u shaacinayaa inaan diyaar u ahay WWE

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.