Waa Kuma Xiddiga Bayern Munich Ee Ikhtiraacay Qaabka Cusub Oo Aanay Cidina Hortii Ugu Dabbaal-degin Koobka Champions League?

Habeen farxad leh ayey u ahayd dhamaan Ciyaartoyda kooxda Bayern Munich kaddib markii ay ku guuleysteen tartanka Champions League Laakiin waxaa dabaal-deg aan horay loo arag la yimid ciyaaryahanka Kooxda Bayern ee Lucas Hernandez kaas oo sameeyay qaab cusub oo loogu dabaal-dego hanashada Champions League.

Ciyaaryahankan ayaa Bayern Munich ay xagaagii hore kala soo wareegtay Atletico Madrid, laakiin waxa uu ku guul-darraystay inuu boos joogto ah ka helo kooxda iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in aanu niyad badan usii haynin Bavaria maadaama aanu ka helin wixii uu ka filayay oo ahaa inuu si joogto ah ugu ciyaari doono.

Inkasta oo maqnaanshihiisa badan ay qayb weyn ku lahaayeen dhaawacyo soo noqnoqday oo uu in muddo ah u jiifay, kuwaas oo keenay inuu noqdo mid nugul, haddana, waxa uu farxaddii xalay ku muujiyey sida ay ugu tahay habeen aan cimrigiisa hore usoo marin oo ay tahay inuu ikhtiraaco dabbaal-deg casri ah oo aan hore loo samaynin.

Intii ay ciyaartoyda Bayern Munich ku jireen damaashaadka, waxa uu Hernandez indhaha dunida ku qabsaday hal arrin oo aan hore u dhicin, waxaanu koobkii ay kooxdiisu ku guuleysatay gashaday Madaxa sida koofiyadda oo kale, laakiin waxa daboolmay illaa qoorta oo aan waxba laga arkaynin.

Sawirro lagaga qaaday dabbaal-degga noocan ah ayaa qabsaday baraha bulshada, waxaana noqotay arrin xiise leh oo aan hore loo samaynin, laakiin wixii hadda ka dambeeya ay kaga dayan doonaan ciyaartoyda koobabka ku guuleysta.

Mid dhinac u jiibsada oo koobka is hordhiga, mid fadhiista oo koobka dhegaha qabsada iyo mid kor u qaada oo madaxa saarta ayaa ahayd waxa inta badan garoomada looga soo joogay, laakiin inuu ciyaartoy isku daboolo koobka oo waxba laga arki waayo madaxiisa, wajigiisa iyo xataa qoortiisa, waxay ahayd wax ku cusub dabbaal-degyada, waana rikoodh meel u yaalla Hernandez oo ciddii kaga dayata ay noqon doonto inay dunida soo xasuusiso magaciisa.

Inkasta oo kulamadii siddeeda, semi-finalka iyo Finalka ee magaalada Lisbon ka dhacay aanu midna ciyaarin Hernandez, haddana waxa uu walaalkii kula barbarreeyey guusha Champions League, iyadoo Theo Hernandez uu Real Madrid koobkan la qaaday xili ciyaareedkii 2017/18 ka hor intii aanu uga wareegin AC Milan.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.