Waa Kuma Xiddiga Barcelona Ka Tirsan Ee Sababtiisa & Si Uu U Guuleysto Booskii Uu Caanka Ku Ahaa Looga Bedelay Lionel Messi?

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa isbedel ku sameeyay shaxda ay kooxdaasi mudada dheer kusoo ciyaaraysay iyo waliba booska asalka ah ee kabtankiisa Lionel Messi si uu waxa ugu wanaagsan uga soo saaro Philippe Coutinho.

Coutinho ayaa ilaa haatan wacdarro ku dhigaya Barcelona xilli ciyaareedkan kaddib markii uu macalinka ree Holland fursadii labaad ku siiyay kooxdaas.

Coutinho oo haatan waajibaadkiisa qaran kula maqan xulka Brazil ayaa sheegay inuu wakhti wanaagsan ku jiro haatan oo uu qaab ciyaareedkiisii dib ugu helay Barca.

Xaaladan ayaa ah mid gabi ahaanba caksi ku ah wararkii sheegayay iyo rabitaankii xaqiiqada ahaa ee xusayay inuu ka tagayo kooxda isla marka uu kasoo laabto amaahdii uu Bayern Munich ku joogay kahor intii aan go’aankaas laga noqon.

Tababare Ronald Koeman ayaa ahaa mid leh qorshayaal kale waxaana uu go’aansaday inuu 28 sano jirkii hore ee Liverpool sii haysto isaga oo ilaa haatan hanaanka cusub ee uu macalinka ree Holland kooxda u hoggaaminayo ku najaxay.

Koeman ayaa kooxda kasoo bedelay shaxdii ay mudada dheer caanka kusoo ahayd ee 4-3-3 isagoo taas bedelkeeda ku ciyaarsiinaya qaabka 4-3-2-1.

Messi oo 33 sano jir ah ayaa dib loogu celiyay booska “Weeraryahanka beenta ah” oo uu kasoo ciyaari jiray wakhtigii Pep Guardiola.

Dhinaca kale Coutinho ayaa loo wareejiyay garabka bidix walow uu wakhtigiisii hore ee uu kooxaas ku fashilmay kusoo kadeedmay booska dhexe iyo midka garabka midigba.

Natiijo ahaan, Antoine Greizmann ayaa laga ciyaarsiiyay door ka duwan midkii hore iyadoo la raaciyay shaqadiisa inta badan xiddigaha khadka dhexe si uu taageere u siiyo Messi iyo Coutinho.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.