Waa Kuma Xiddiga Barcelona Ka Tirsan Ee Ay Kooxdaasi Ku Haysato “Maxaad Kooxda Uga Tagi Weyday?”

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay ka cadhaysan tahay in garabka weerar ee kooxdeeda ee Ousmane Dembele uu diiday inuu Man United ku biiro kahor intii uusan suuqa xagaagu xidhmin Isniintii toddobaadkii hore.

Xiddiga heer caalami ee ree France oo 23 sano jir ah ayay Man United u aragtay bedelka Jadon Sancho oo ay Borussia Dortmund ka doonayeen balse ay iska diideen inay bixiyaan lacagtii lagu heli karayay.

Dembele ayuu sidoo kale la xidhiidhay oo uu ka dhaadhiciyay inuu Old Trafford yimaado xiddiga ay France kasoo wada-jeedaan ee Paul Pogba.

Balse ugu dambayn Ousmane ayaa go’aansaday inuu iska sii joogo Camp Nou waxaana uu go’aankiisu dilay rajadii kooxda ee ahayd inay 25 Milyan oo Pound kula soo wareegto Memphis Depay oo ay Lyon ka doonayeen.

Sida lagu sheegay ESPN, Barcelona ayaa ka cadhaysan in Dembele uu diiday inuu ku biiro Red Devils xilli tababaraha cusub ee kooxdiisa ee Ronald Koeman uu horeba ugu sheegay inuusan wakhti ciyaareed fiican siin doonin.

Koeman ayuusan qorshaha ugu jirin Dembele oo aan doonayn inuu ku daro liiska kulankii Celta Vigo ee Salaasadii ilaa uu dhaawac gaadhay Junior Firpo oo uu halkiisa ka galay.

Dembele ayaa bedel aan la adeegsan ka ahaa kulamadii kooxdiisa ee xilli ciyaareedkan taas oo ceel ku ridaysa fursada uu boos joogto ah ku heli karo.

Taas bedelkeeda, Koeman ayaa doonayay inuu Memphis Depay oo ay Netherlands kusoo wada shaqeeyeen lasoo saxeexdo xilli uu isku shaandhayn balaadhan ku samaynayay safkii kooxda ee guuldarrada culus ee 8-2 ah kala soo kulmay Bayern Munich.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.