Waa Kuma Xiddiga Barcelona Ka Tirsan Ee Aan Ahayn Lionel Messi Ee Go’aamin Doona Haddii Camp Nou La Keenayo Lautaro Martinez?

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa in shuruuda kaliya balse adag ee ay xilli suuqa xagaagan ugu dhaqaaqi karto saxeexa Lautaro Martinez ay tahay in marka hore Luis Suarez uu go’aansado inuu kooxdeeda ka tago.

Weeraryahanka ree Argentina ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay si xoogan loola xidhiidhinayay kooxda ku ciyaarta Camp Nou halka Inter Milan ay ku qiimaynayso 98 Milyan oo Pound (111 Milyan euro).

Barcelona and Messi want Lautaro but face competition from Real ...

Martinez ayaa xilli ciyaareedkan 19 gool usoo dhaliyay Inter Milan tartamada oo dhan waxaana ay u badan tahay in uu caawa qayb ka qaadan doono kulanka Europe League ee ay kooxdiisu qaabilayso Getafe.

Sida uu sheegayo wargeyska Spain kasoo baxa ee Mundo Deportivo, dalabka ay Inter ka heli doonto dhinaca Barcelona ayaa ku xidhnaan doona mustaqbalka No.9-ka haatan ee Luis Suarez.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Suarez uu haysto dalab haatanba miiska u saaran oo uga timid dhinaca horyaalka Maraykanka isla markaana uu iskaga tagi karo Camp Nou walow uu 16 gool soo dhaliyay kulamada horyaalka xilli ciyaareedkan.

Haddiiba uu Suarez u dhaqaaqo dhinaca Maraykanka, Barca ayay u badan tahay inay ku jihaysan doonaan Martinez oo ay u arkaan bedelka mudada dheer ee xiddiga ree Uruguay.

Dhinaca kale haddii uu Luisito go’aansado inuu xilli ciyaareedka 2020-21 sii hoggaamiyo safka weerarka ee Barcelona, Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Martinez uu heshiis lasii meel dhigay Barca oo uu xagaaga 2021 usoo wareegi doono sanad kalena sii joogi doono Inter.

Barcelona ayaan doonayn inuu Martinez kursiga keydka fadhiisto isla marka uu kooxda gaadho maadaama oo madaxweynaha kooxdaasi uusan karayn heshiis kale oo qaalinimo iyo qalad isku darsada sida kuwii Greizmann, Dembele iyo Coutinho.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.