Waa Kuma Xiddiga Aan Magaca Weyn Ku Dhex Lahayn Barcelona Ee Uu Macalinka Napoli Ee Gennaro Gattuso Aadka Ula Dhacay Laba Sano Kahor?

Tababaraha kooxda Napoli ahna halyeeyga kubadda cagta Talyaaniga ee Gennaro Gattuso ayaa laba sano kahor la dhacay da’yarka Barcelona ee Ruqui Puig taas oo soo jiidasho gaar ah yeelatay maadaama oo uu ka jeclaystay dhammaan xiddigaha waaweyn ee magaca leh ee kooxdaas.

Gattuso ayaa ah mid khibrad badan leh maadaama oo uu wakhti badan kusoo dhex jiray kubadda cagta waxaana uu sii calaamadin karaa da’yarka mustaqbalka wanaagsani ka horreeyo.

Riqui Puig And Carles Aleña 'New' Signings As FC Barcelona Will ...

Qiimaynta uu kusii sameeyay Gattuso da’yarka Barcelona ee Puig ayaa ahayd mid dhacday laba sano kahor mar ay AC Milan oo uu Gattuso macalin u ahaa iyo Barcelona kulan saaxiibtinimo oo xilli ciyaareedka ka horreeyay iska hor tageen.

Gattuso ayaa sheegay inay isaga ka yaabsadaan xiddigaha da’yarta ah ee wajiyada carruurta ah leh balse kubadda sida layaabka leh u ciyaara isaga oo mid cajiib ah ku sifeeyay Riqui Puig.

Gennaro ayaa ugu horreynba yidhi “Isagu waa mid cajiib ah, inaad aragto da’yar wali leh waji carruur ah oo kubadda ciyaaraya aniga way i cajab gelisaa, waxaan arkaa iyaga oo kubadda cagta gudaha ka dareemaya waana sida gabyaa oo kale”

“Mudo dheer ayaan maqlayay Riqui Puig iyo carruur kale, waa wax aanad intaad iska dhaafto uga gudbin karin meel kale, iyagu uma ciyaaraan hanaan taatiko balse waxa ay joogteeyaan fikrad caam ah”

Dhinaca kale Gennaro Gattuso oo wakhtigaas la weydiiyay haddii uu ka hinaaso akaademiga Barcelona ayaa yidhi “wax yar ayaan hinaasanahay haa”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.