Waa Kuma Weeraryahanka Uu Sida Gaarka Ah Cristiano Ronaldo Saxeexiisa Uga Codsaday Madaxda Sarre Ee Kooxdiisa Juventus?

Hoggaamiyaha kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo warramayaa inuu madaxda sarre ee kooxdiisa ka codsaday saxeexa dhaliyaha Wolverhampton Wanderers ee Raul Jimenez oo hore Juve loola xidhiidhinayay.

Warar dhawaan soo baxayay ayaa sheegay in Jimenez uu ku wajahan yahay dhinaca Man United kaddib markii xog laga helay saxaafada Portugal ay sheegtay in Wolves ay la saxeexatay bedelka Jimenez.

FPL transfer targets: Raul Jimenez

Jimenez ayaa sii waday qaab ciyaareedkiisa wanaagsan xilli ciyaareedkii labaad ee uu ku qaadanayo England kaddib markii Wolves ay heshiis 32 Milyan oo Pound ah si joogto ah ugula wareegtay xagaagii sanadkii hore ee 2019.

Xiddiga heer caalami ee xulka qaranka Mexico ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay magaciisa lagu xusayay qorshayaasha suuqa ee qaar kamida kooxaha ugu waaweyn Yurub, kooxahaas ayay kamid tahay Man United oo doonaysa inay xoojiso weerarkeeda.

Il-wareedka Portugal kasoo baxa ee RTP ayaa dhawaan sheegay in Wolves ay heshiis la gaadhay gool dhaliyaha SC Braga ee Paulinho isla markaana ay taasi ka dhigan tahay in Raul uu dhinaca Man United ku jihaysan doono.

Dhinaca kale Juventus ayaa suuqa ugu jirta saxeexa weeraryahan dhexe iyadoo u muuqata mid uu kasoo dhammaaday samirkii weeraryahan Gonzalo Higuain.

Dookha Ronaldo ayaa ah Raul Jimenez sida uu sheegayo wargeyska La Gazetta dello Sport, Wolves ayaa iibka 29 sano jirkan ku doonaysa 50 Milyan oo Pound iyo wax ka badan.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.