Waa Kuma Daafaca Xoogan Ee Ay Man United Heshiiskiisa Dhammaystiri Karto Maalmaha Soo Socda?

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay maalmaha soo socda dhammaystiri karto saxeexa daafaca dhexe ee kooxda Lille ee Gabriel Magalhaes.

Iyadoo uu wali garabka weerar ee kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho yahay muhiimada koowaad, haddana tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya inuu soo xoojiyo daafaca dhexe ee kooxdiisa.

Wararka ayaa sheegaya in tababaraha ree Norway uu madaxda sarre ee Man United la wadaagay rabitaankiisa ah inuu doonayo daafac dhexe oo uu lamaane uga dhigo kabtankiisa Harry Maguire.

Waxa ay u muuqataa in hadalka iyo soo jeedinta Solskjaer la dhagaystay iyagoo shaqsiyaad metelaya Manchester ay wadahadalo la yeesheen wakiilada ciyaaryahanka.

22 sano jirkan lugta bidix ku ciyaara ee ree Brazil ayaa lala xidhiidhinayay kooxaha Everton iyo Napoli kahor inta aysan Man United ku biirin loolanka.

Saxafiga ree Talyaani ee Emanuele Cammaroto ayaa sheegaya in Napoli ay heshiis 22 Milyan oo euro ah miiska u saartay Lille balse ay Man United soo bandhigtay 27 Milyan oo euro oo lagu daray 1.8 Milyan gunnooyin ku xidhan.

Saxafiga ayaa intaas ku daraya in heshiis ay gaadhaan Gabriel iyo kooxdiisa Lille uu iman karo maalmaha soo socda sidaasna ay waxkasta ku fududaan karaan.

Si kastaba, jamaahiirta Man United ayaa sidoo kale u qaadan kara in warkani uu yahay mid ay Lille magaca kooxdooda ugu adeegsanayso heshiiskan si ay kooxaha kale ugu qasbaan inay soo doontaan xiddiga.

Man United ayaa ah kooxda ugu badan ee saxaafada iyo kooxaha kale ay magaceeda adeegsadaan si ay kor ugu qaadaan lacagaha ay ciyaaryahanka ku iibinayaan iyo waliba tirada kooxaha doonaya.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.