Waa Kuma Ciyaaryahanka Ka Tirsan Real Madrid Ee Ay Man United Sida Joogtada Ah Kooxdaas Wax Uga Weydiiso?

Kooxda Premier League ee Man United ayaa la xusayaa inay dhigeeda Real Madrid wax ka weydiisay suurogalnimada lagu heli karo da’yarka garabka weerar ee Vinicius Jr taas oo tilmaamaysa inay kasii quusanayaan Jadon Sancho oo ay Man United ka doonayeen.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa suuqa xagaagan isha ku hayay saxeexa Jadon Sancho laakiin kooxdiisa Borussia Dortmund ayaa iska diiday inay aqbasho wax ka hooseeya 108-da Milyan ee Pound ee ay ku doonayso.

Real Madrid: Avoid fretting about manufactured Vinicius Júnior drama

Man United ayaa sidoo kale seegtay taariikhdii ay Dortmund u qabatay inay ku dhammayso saxeexa Sancho oo 10-ka bishan August ku eekayd iyagoo ku fashilmay inay ku qanciyaan dalabaad dhawr ah.

Borussia Dortmund ayaa weydiisatay Man United inay si hagar la’aan ah usoo qadimaan dhammaan 108-da Milyan ee Pound halka Manchester oo ka cabsi qabta dhaqaale xumo kaddib saamaynta Korona ay ka cago jiidayso bixinta lacagtaas.

Haatan ayuu il-wareedka ree Spain ee Defensa Central sheegayaa in United ay dhigeeda Real Madrid si joogto ah wax uga weydiiso fursada ay kaga heli karaan saxeexa Vinicius.

Waxa la aaminsan yahay in Man United ay doonayso inay dalab wanaagsan miiska u saarto Real Madrid isla markaana ay sugto haddiiba ay Los Blancos soo aqbalaan xilli heshiiska Vinicius ay sanado dhawr ahi ka hadheen.

Si kastaba, warar kale ayaa sheegaya in da’yarkan Brazil kasoo jeedaa uu iska diiday xiisaha uu ka helayo Red Devils taas bedelkeedana uu diirada saarayo inuu u dagaalamo booskiisa shaxda Zinadine Zidane.

Marka laga yimaado inuu kaliya shan gool iyo afar caawimo soo sameeyay xilli ciyaareedkan 2019-20 oo dhan haddana tababare Zidane ayaa si weyn ula dhacsan inuu kooxdiisa ku haysto Vinicius.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.