“Waa Dareenka Aabe Wiilkiisa U Han Weyn” – Jamaahiirta Oo Ka Helay Fal-Celintii Klopp Kaddib Goolkii Uu Pulisic Oo Da’yarkiisii Ahi Liverpool Ka Dhaliyay

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa u muuqday mid ansixiyay da’yarka kooxda Chelsea ee Christian Pulisic kaddib goolkii uu xalay ka dhaliyay Reds kulankii ay 5-3 kusoo guuldarraysteen oo uu si cajiib ah ula jeedsaday kubadda.

Pulisic ayaa kulankii xalay bedel ku yimid isaga oo saamayn weyn yeeshay, da’yarka ree Maraykan ayaa caawiyay goolkii Tammy Abraham kaddib xawaare cajiib ah oo uu xiddigaha Liverpool ku kala dhantaalay kahor inta uusan isagu shabaqa gaadhin.

Si kastaba, goolkii uu xiliga dambe dhaliyay Alex Oxlade Chamberlain ayaa guul 5-3 ah u xaqiijiyay kooxda dhawaan loosoo caleemo saaray hanashada horyaalka.

Arrinta kulanka ka dhex muuqatay ayaa ah in Klopp oo Pulisic fursad kusiiyay Borussia Dortmund sanadkii 2015 uu la dhacay goolkii uu da’yarkaasi ka dhaliyay kulankii xalay iyadoo ay jamaahiirta kubadda cagtu baraha bulshada kaga aragti dhiibteen falcelinta Klopp.

Dhoola-caddeynta macalinka ree Germany ayaa la sawiray kaddib goolkaas iyadoo ay taageerayaal isticmaala barta Twitter-ku ku doodeen in 53 sano jirkani uu ku faraxsanaa goolka da’yarkiisii hore.

Taageere adeegsanayay Twitter-ka ayaa isaga oo tix raacayay xidhiidhkii labada shaqsi ee hore yidhi “Isagu waa inuu noqdo mid wax yar han weyn, Pulisic waa mid kamida wax soosaarka maskaxdiisa da’yarta ku jihaysan”

Taageere kale oo Jurgen Klopp ku sifeeyay inuu sameeyay fal-celinta aabe wiilkiisa u han weyn ayaa yidhi “Dareemada aabe han weyn”

Intaa waxa dheer fikradii shaqsi kale oo aragtidiisa ku sheegay inuu Klopp arkay da’yarkiisii oo nin buuxa noqday “Wiilkaygii yaraa ee Dortmund waxa uu noqday nin”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.