Virgil van Dijk Oo Dhaawacmay Xilli Liverpool Ay Barbaro Tuugtay Ka Hor Kulanka Arsenal Ee Sabtida

Virgil van Dijk ayaa lagu qasbay inuu dhaawac uga baxo kulankii saaxiibtinimo ee ay Liverpool maanta la ciyaartay kooxda RB Salzburg ka dib markii uu nabar xun ka soo gaaray madaxa.

Liverpool ayaa barbaro 2-2 ay la gashay kooxda RB Salzburg oo ay marti u ahaayeen iyagoo isku diyaarinaya xilli ciyaareedka cusub.

Dhaawaca Van Dijk ayaa yimid xilli Reds lagu hogaamiyay 2-0 oo qeybtii labaad iyadoo daafaca reer Holland uu bedelay da’ yarka Nat Phillips.

Waxaa jeexantay isha korkeeda iyadoo dhiig badan uu ka soo baxay laakiin nasiib wanaag dhaawaca ma noqonin mid halis ah, waxaana la filayaa inuu taam u noqdo kulanka koobka Community Shield ee ay la ciyaarayaan Arsenal Sabtida.

Liverpool ayaa ku bilaabatay ciyaartaan si liidata iyadoo 2-0 lagu hogaaminayay markii ay ciyaarta socotay 13 daqiiqo.

Bilowshihii ugu xumaa ayay sameeyeen markii Fabinho uu kubad dhiibtay waxaana ku ciqaabay Patson Daka kaasoo kubada daba mariyay goolhaye Alisson labo daqiiqo kaliya markii ay ciyaarta socotay.

Patson Daka ayaa hogaanka u dheereeyay kooxda martida loo ahaa 10 daqiiqo ka dib markii uu ka faa;ideystay qalad difaacasho kale oo uu sameeyay Joe Gomez.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa horumar sameysay intii ay ciyaarta sii socotay iyagoo ku qasbay goolhayaha Salzburg inuu badbaadin badan sameeyo.

Weeraryahanka da’da yar Rhian Brewster oo amaah ka soo laabtay xagaagan ayaa dhamaadkii ciyaarta waxa uu Liverpool u dhaliyay labo gool oo degdeg ah isagoo ka badbaadiyay Reds ceeb ku soo gaarta Austria oo ay booqasho ku joogeen.

Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah iyadoo Liverpool ay isku diyaarineyso kulanka Community Shield oo ay Arsenal la ciyaarayaan Sabtida.

Horyaalka Premier League ayaa isna bilaabanaya labo isbuuc ka dib iyadoo Liverpool ay u bilaabaneyso howl adag oo ah inay difaacato koobka.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.