VAR Oo Ku Fadeexowday Inaysan Eegin Qaladkii Uu Trent Alexander-Arnold Ku Galay Bukayo Saka Ee Casaanka Mudnaa & Aubameyang Oo Si Carro Leh Uga Hadlay

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa qarsan waayay caradiisa ku aadan qaladkii ay VAR sameysay xalay iyadoo Trent Alexander-Arnold uu nasiib ku lahaa inaan casaan la siinin.

Xiddiga Liverpool Alexander-Arnold ayaa casaan mudnaa ka dib markii uu qalad xun ku galay xiddiga Arsenal Bukaya Saka isagoo cagta ka saaray lafdheerta xiddiga Gunners taasoo jabin kartay.

Xiddiga Gunners Saka ayaa dhulka la seexday xanuun ka dib qaladkaas, iyadoo ku celiskii la daawaday ay muujineysay in xiddiga Liverpool uu mudnaa casaan madaama uu taakal sarre sameeyay.

Taas bedelkeeda garsoore Paul Tierney ayaa siiyay kaliya calaamada digniinta ee hurdiga iyadoo VAR ay ku fadeexowday inaysan xitaa dib u eegin dhacdada.

Arsenal ayaa ka careysneyd go’aankii casaanka lagu siiyay xiddigooda Eddie Nketiah horaantii bishaan ka dib qalad uu ku galay xiddiga Leicester James Justin ka dib markii ay VAR dib u eegtay dhacdada iyagoo ku qasbay garsooraha uu ka laabto jaalihii uu bixiyay kuna bedelo casaan.

Isagoo ka falcelinayay dhacdadaan Aubameyang ayaa ku mujiyay bogiisa Twitter sida uu uga careysan yahay go’aanka iyo inaysan VAR dib u eegin.

Wuxuu Twitter ku soo qoray: “WTF (what the f*ck) xitaa VAR laguma eegin dhacdadaan.”

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaan farogelin ku sameyn doonin dhacdadaan madaama uu garsooraha jaale bixiyay waqtigii ay dhacday, sidoo kale ma eegi doonaan ereyga aflagaadada ee uu Aubameyang soo dhigay baraha bulshada.

Sidoo kale xiriirka kubada cagta Ingariiska uma arkaan in garsoore Tierney uu qalad sameeyay iyagoo ku sharaxay in qaladaadka ceynkaas oo kale ah ay noqon karto jaale ama casaan.

Waxaa loo arki karaa inuu yahay taakal sarre oo halis ah ama taabasho dhameystiran oo kaliya calamadeeda ay tahay digniin.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.