UGU DAMBAYN: Virgil Van Dijk Oo Ugu Dambayn Sheegay Sababtii Uu Liverpool Ugu Soo Biiray & Labadii Kooxood Ee Waaweynaa Ee Uu Diiday

Daafaca dhexe ee kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa ugu dambayn si cad u sheegay sababtii ugu weyneyd ee uu sanadkii 2018 ugu soo biiray kooxda Liverpool iyo waliba tiraba laba kooxood oo uu diiday fursad uu ugu biiri karayay.

Heshiiskii uu 75-ka Milyan ee Pound Van Dijk ugu wareegay Anfield sanadkii 2018 ayaa ahaa mid faa’ido waali ah ay ku heshay kooxdiisu isagoo si buuxda u fadhiisiyay daafacoodii sahlanaa isla markaana kula guuleystay koobab waaweyn.

Van Dijk And Klopp

28 sano jirkan ayaa qirtay in tababaraha kooxdiisa ee Jurgen Klopp uu ahaa sababta ugu weyn ee ku qancisay inuu kusoo biiro Liverpool xilli uu sidoo kale sheegay in fac-weynaanta iyo taariikhda kooxdu ay soo jiidatay.

Dhinaca kale VVD ayaa sheegay inuu haystay fursada uu ugu biiri karayay kooxaha Chelsea iyo Manchester City iyadoo la xasuusto inay wakhtigaas saxeexiisa doonayeen Pep Guardiola iyo Antonio Conte.

Virgil ayaa yidhi “Waxaan haystay fursad aan ku tago Chelsea ama Manchester City, laakiin marka aad kooxaha isbar-bardhigto waxaad eegaysaa taariikhda, safka (Man) City, qorshayaashooda mustaqbalka……”

“Laakiin waxa ugu muhiimsan ee aad eegaysaa waa tababaraha, Jurgen Klopp-na waa sabab muhiim ah oo ah waxa aan u doortay Liverpool”

Dhinaca kale Van Dijk ayaa sheegay inuu aad ula dhacsan yahay dabeecada fur-furan ee tababare Jurgen Klopp iyo waliba jawiga uu subaxa ku yimaado tababarka.

“Klopp waxa uu ku siinayaa dareen cajiib ah, waa mid u faraxsan si weyn marka uu kooxda yimaado subaxa”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.