GO’AAN: Juventus Oo Go’aamisay Inay Iibiso Cristiano Ronaldo Iyo Qiimihiisa Oo La Ogaaday

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa go’aan ku gaadhay inay iibiso xiddigeeda Cristiano Ronaldo laba sannadood iyo badh kaddib markii uu kaga soo biiray Real Madrid.

Juventus ayaa si bahdilaad ah kaga hadhay tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan, waxaana garaacday FC Porto, waana xilli ciyaareedkii saddexaad ee xidhiidh ah ee ujeeddadii ugu weynayd ee Juventus ay ula soo wareegtay Ronaldo ay fashil ku dhamaato.

Kooxda ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkan hoos uga dhacday heerkeedii horyaalka Serie A, iyadoo ku jirta kaalinta saddexaad, isla markaana toban dhibcood ka dambaysa Inter Milan oo hoggaanka haysa, taas oo ka dhigan inay suurtogal tahay inay soo afjaranto sagaal sannadood oo xidhiidh ah oo ay horyaalka kusoo guuleysanaysay.

Sida ay sheegtay warbaahinta SportMediaset, boodhka sare ee maamulka Juventus ayaa go’aamiyey inay isbeddel ku sameeyaan kooxda marka la gaadho dhamaadka xilli ciyaareedka.

“Miisaaniyaddu waxay maraysaa laynka cas, waxaananu falanqaynaynaa sidii aanu arrintaas uga hadli lahayn iyadoo aanaan waqti badan ku bixinayn, taasina waxay keeni kartaa khatar farsamo.” Sidaa waxa yidhi masuul la hadlay SportMediaset.

Kabtanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo Juventus ay 100 milyan oo Euro ku iibsatay sannadkii 2018kii, ayaa ujeeddada ugu weyn ee ay ula soo saxeexatay ay ahayd inuu ka caawiyo inay ku guuleysato Champions League oo ay ugu dambaysay xilli ciyaareedkii 1995-96.

Laacibkan oo heshiiskiisa Juventus ay ku egyahay June 2022, ayaa sannadkii mushahar ahaan u qaata lacag dhan 54 milyan oo Euro oo cashuurtu la socoto, waxaanay boodhka sare dareensan yihiin in daruuri ay tahay inay lacagtan meesha ka saaraan.

Sida SportMediaset ay sheegay, boodhku waxay go’aamiyeen in €60 milyan oo Gini ay ku iibiyaan Ronaldo, isla markaana ay la xaajoodaan koox kasta oo danaynaysa inay bixiso lacagtaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*