TOP 50: Kadib Burburka Barcelona Ku Habsaday, Waa Kuwee 50 Kii Ciyaartoy Ee Taariikhda Kooxda Ugu Fiicnaa Ee Ay Waqtiyo Kala Duwan Ku Tiirsanayd?

Maalmihii ugu danbeeyay waxay Barcelona u ahaayeen maalmihii taariikhdooda kooxdooda ugu xumayd kadib ceebtii iyo bahdilaadii ka soo gaadhay kooxda Bayern Munich ee Champions league looga cidhibtiray.

Barcelona waxay ku jirtaa xaalad aan la sharixi karin waxayna jamaahiirta Camp Nou sugayaan waxyaabaha dhici doonta inta xili suuqan lagu jiro iyo isbadalka ay samayn karaan maamulka ay sanadihii ugu danbeeyay wax qabadkooda ka niyadjabsanaayeen.

Kadib burburka soo gaadhay kooxda Barcelona, waxaa qiimayn lagu sameeyay 50 kii ciyaartoy ee taariikhda kooxda ugu fiicnaa waxaana ka soo baxday arin ayna in badan dad badani rumaysan karin.

Lionel Messi ayaa kaalinta saddexaad ka galay codeen ay sameeyeen taageerayaasha kooxda taas oo lagu soo xulaayay 50-ka ciyaaryahan ee ugu fiicnaa ebid ee soo mara kooxda Barcelona.

Messi waa gooldhaliyaha guud ee ugu sareeya kooxda Barcelona isla markaana ciyaaryahanka labaad ee ugu safashada badan kooxda isagoo 36 kulan oo kaliya ka hooseeya laacibkii hore ee kooxda Xavi kaas oo ah ciyaaryahanka ugu safashada badan kooxda Barcelona.

Laakiin waxa la yaabka noqotay in taageerayaasha kooxda Barcelona u codeeyeen ciyaaryahankii ugu fiicnaa kooxda uu yahay halyeeyga reer Bulgaria ee Hristo Stoichkov kaas oo u soo ciyaaray Barcelona laba jeer oo kala duwan sannadihii 1990-kii isagoo ku guuleystay abaal marinta qaaliga ah ee Ballon d’Or intii uu joogay kooxda halka xiddiga 6 jeer ku guuleeystay abaal marinta Ballon d’Or-ta ee Lionel Messi loo codeeyay kaaalinta Seddexaad.

Halyeeyga kubada cagta Johan Cruyff ayaa loo codeeyay ciyaaryahankii labaad ebid ee ugu fiicanaa taariikhda kooxda Barcelona waxaana si weyn loogu amaanaa saameynta uu ku yeeshay Barcelona intuu ciyaartoy iyo tababare ahaa.

Ronaldinho ayaa loogu codeeyay xidigii afraad ee taariikhda Barcelona ugu fiicnaa halka Andres Iniesta uu ku jiro kaalinta shanaad laakiin Xavi Hernandez ayaa loogu codeeyay xidigii lixaad ee taariikhda Barca ugu fiicnaa.

Xidigii ay jamaahiirta Barcelona ku tuureen madaxa doofaarka ee Luis Figo ayaa loogu codeeyay xidigii 32 aad ee Barcelona abid ugu fiicnaa inkasta oo uu Real Madrid ka doortay oo uu si muran ugu jiro ku biiray.

Ronaldo-hii reer Brazil oo isna isku maray kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa loogu codeeyay xidigii 10 aad ee taariikhda Barcelona ugu fiicnaa halka Luis Suarez uu ku jiro kaalinta 14 aad waxaana kaalinta 13 aad ku soo baxay Samuel Eto’o.

Halkan kaga bogo 50ka ciyaartoy ee ugu fiicnaa taariikhda Barcelona ee ay taageerayaashu u codeeyeen.

50. Carles Rexach

49. Hans Krankl

48. Gheorghe Popescu

47. Frank de Boer

46. Phillip Cocu

45. Rafael Marquez

44. Quini

43. Luis Suarez Miramontes

42. Bernd Schuster

41. Julio Salinas

40. Miguel Angel Nadal

39. Sandor Kocsis

38. Guillermo Amor

37. Txiki Begiristain

36. Paulino Alcantara

35. Pedro

34. Ivan Rakitic

33. Johan Neeskens

32. Luis Figo

31. Gary Lineker

30. Neymar

29. Laszlo Kubala

28. Victor Valdes

27. Deco

26. Jose Mari Bakero

25. Luis Enrique

24. David Villa

23. Patrick Kluivert

22. Andoni Zubizarreta

21. Gerard Pique

20. Marc-Andre ter Stegen

19. Sergio Busquets

18. Pep Guardiola

17. Michael Laudrup

16. Gheorghe Hagi

15. Dani Alves

14. Luis Suarez

13. Samuel Eto’o

12. Diego Maradona

11. Ronald Koeman

10. Rivaldo

9. Romario

8. Ronaldo

7. Carles Puyol

6. Xavi

5. Andres Iniesta

4. Ronaldinho

3. Lionel Messi

2. Johan Cruyff

1. Hristo Stoichkov

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.