TOP 30: Waa Kuwan 30-ka Xiddig Ee Premier League Ee Aadka U Qiime-Kordhay 2020-21 & Tirada Kooxdaadu Ku Yeelatay

Marka laga yimaado xaqiiqada ah in jamaahiirtu garoomada ka maqan yihiin horraanta xilli ciyaareedkan 2020-21 haddana horyaalka Premier League ayaa ah mid ku bilaabmay si xiiso leh.

Goolal guud ahaaneed oo 144 gool ah ayaa la iska soo dhaliyay 38 kulan oo ilaa haatan lasoo ciyaaray taas oo cel-celis ahaan 3.79 gool ah kulankiiba.

p1ekh5bcrb1bf21rq9dh11rd71fvt24.jpg

Waxa aynu ilaa hadda soo aragnay kulamo natiijooyin waali ah leh oo ay kamid yihiin midkii ay Tottenham 6-1 kaga adkaatay dhigeeda Manchester United iyo waliba midkii ay Aston Villa 7-2 kaga talaabsatay Liverpool.

Everton ayaa qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ee ugu macquulsanaa ku bilaabatay iyadoo 4 kulan 4 guulood kasoo heshay xilli Dominic Calvert-Lewin uu Cristiano Ronaldo isku bedelay halka labada Manchester ay kaalmaha horyaalka looga hadho uga dhaw yihiin kuwa afarta sarre.

Dhinaca kale, shabakadda Transfermarkt ayaa haatan soo bandhigtay qiimaha cusub ee ay joogaan dhammaan xiddigaha Premier League.

Waxaanu halkan idinkula wadaagaynaa magacyada 30-ka ciyaaryahan ee Premier League ee inta ugu badan qiimahoodu kordhay xilli ciyaareedkan 2020-21 iyo inta mid walba ku korodhay (+).

Liiska Oo Dhammaystiran

30. Conor Coady | Wolves

Qiimihiisa Cusub: €25 million (+ €7 million)

29. Lewis Dunk | Brighton

Qiimihiisa Cusub: €27 million (+ €7 million)

28. Matty Cash | Aston Villa

Qiimihiisa Cusub: €30 million (+ €7.2 million)

27. Grady Diangana | West Brom

Qiimihiisa Cusub: €12 million (+ €7.5 million)

26. Reece James | Chelsea

Qiimihiisa Cusub: €30 million (+ €7.5 million)

25. Michael Keane | Everton

Qiimihiisa Cusub: €28 million (+ €8 million)

24. James Tarkowski | Burnley

Qiimihiisa Cusub: €28 million (+ €8 million)

23. Gabriel | Arsenal

Qiimihiisa Cusub: €28 million (+ €8 million)

22. Richarlison | Everton

Qiimihiisa Cusub: €60 million (+ €8 million)

21. Alisson | Liverpool

Qiimihiisa Cusub: €80 million (+ €8 million)

20. Eberechi Eze | Crystal Palace

Qiimihiisa Cusub: €18 million (+ €9 million)

19. Ben Godfrey | Everton

Qiimihiisa Cusub: €25 million (+ €9 million)

18. Ben White | Brighton

Qiimihiisa Cusub: €15 million (+ €9.6 million)

17. Rhian Brewster | Sheffield United

Qiimihiisa Cusub: €15 million (+ €9.6 million)

16. Tariq Lamptey | Brighton

Qiimihiisa Cusub: €18 million (+ €10 million)

15. Kalvin Phillips | Leeds United

Qiimihiisa Cusub: €22 million (+ €10 million)

14. Thomas Partey | Arsenal

Qiimihiisa Cusub: €50 million (+ €10 million)

13. Ben Chilwell | Chelsea

Qiimihiisa Cusub: €50 million (+ €10 million)

12. Bruno Fernandes | Manchester United

Qiimihiisa Cusub: €80 million (+ €10 million)

11. Son Heung-min | Tottenham

Qiimihiisa Cusub: €75 million (+ €11 million)

10. Andrew Robertson | Liverpool

Qiimihiisa Cusub: €75 million (+ €11 million)

9. Diogo Jota | Liverpool

Qiimihiisa Cusub: €40 million (+ €12 million)

8. Nathan Ake | Manchester City

Qiimihiisa Cusub: €40 million (+ €12 million)

7. Wesley Fofana | Leicester City

Qiimihiisa Cusub: €22.5 million (+ €12.5 million)

6. Edouard Mendy | Chelsea

Qiimihiisa Cusub: €20 million (+ €13 million)

5. Fabio Silva | Wolves

Qiimihiisa Cusub: €25 million (+ €13 million)

4. Ruben Dias | Manchester City

Qiimihiisa Cusub: €50 million (+ €15 million)

3. Dominic Calvert-Lewin | Everton

Qiimihiisa Cusub: €40 million (+ €16 million)

2. Ollie Watkins | Aston Villa

Qiimihiisa Cusub: €30 million (+ €18 million)

1. Phil Foden | Manchester City

Qiimihiisa Cusub: €60 million (+ €20 million)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.