TOP 25: Jamaahiirta Kubadda Cagta Oo Codkooda Ku Go’aamiyay 25-ka Kooxood Ee Dunida Ugu Wanaagsan, Booska 1-aad & Kaalinta Kooxdaadu Calafsatay

Inaad doorato kooxda dunida ugu wanaagsan ayaa ku dhawaad ah wax aan macquul ahayn maadaama oo ay ku salaysnaan karto kolba dhinaca laga eego isla markaana ay jiri karaan kooxo kala duwan oo ku kala wanaagsan dhinacyo kala geddisan.

Adigu shaqsiyan ma waxaad kooxda ku xukuntaa tirada koobabka ay kusoo guuleysatay abid mise waxaad ka eegtaa dhinaca jamaahiirta ay guud ahaan caalamka ku leedahay?

Dabcan waxa jira tiro kooxo ah kuwaas oo ay dadku u xulan lahaayeen inay tahay kooxda ugu wanaagsan dunida iyagoo aragtiyo kala jaad ah ku sifaynaya.

Kooxaha ay kamidka yihiin Real Madrid, Barcelona, Manchester United, Liverpool iyo kuwo kale ayaa markasta ku tartami doona ahaanshaha boqorada Yurub iyo kooxda calanka u sida kooxaha kale.

Si kastaba, waxaanu halkan idiinku soo xulaynaa 25-ka kooxood ee ugu sarreey ee cod ururin ay qaaday shabakadda TheTopTens iyo sida ay jamaahiirtu ugu kala coddeeyeen kooxaha ugu wanaagsan dunida.

Xulashadan ayay kooxda Barcelona booska 1-aad kaga soo baxday iyadoo garaacday kooxda ay sida ba’an u tartamaan ee Real Madrid oo iyadu kaalinta labaad ku jirta.

Booska saddexaad ayay xidhatay kooxda Premier League ee Manchester United oo ah kooxda ugu horreysa kooxaha England qiimayntan halka ay booska afraad gashay Bayern Munich.

Arrinta cajiibka ah ayaa ah in Liverpool oo wakhtigan kamida kooxaha ciyaar ahaan ugu wanaagsan dunida haddiiba aysan ahayn mida ugu wanaagsan ay booska 8-aad kusoo baxday.

Liiska Oo Dhan

25. Napoli

24. Tottenham

23. Estudiantes

22. Crystal Palace

21. Marseille

20. FC Porto

19. Werder Bremen

18. Celtic

17. AS Roma

16. Sevilla

15. Ajax

14. Inter Milan

13. Atletico Madrid

12. Paris Saint-Germain

11. Borussia Dortmund

10. Manchester City

9. AC Milan

8. Liverpool

7. Juventus

6. Arsenal

5. Chelsea

4. Bayern Munich

3. Manchester United

2. Real Madrid

1. Barcelona

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.