TOP 10: Tobbanka Weeraryahan Ee Dunida Ugu Fiican Oo La Qiimeeyay, Xiddiga 1-aad Xorraystay & Haddii Kooxdaadu Kusoo Baxday

Kaddib markii ay soo dhammaadeen horyaaladii ugu waaweynaa qaarada Yurub qaarkoodna ay ku dhaw yihiin gabo gabo, shabakada Daily Star ayaa qiimayn buuxda ku samaysay tobbanka weeraryahan ee ugu wanaagsan dunida.

Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo ah xiddigaha jiilkan ugu wanaagsan ayaa ahaa kuwo tiro gool dhalineed si joogto ah usoo dhalinayay xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay.

Si kastaba, Ronaldo iyo Messi ayaan midkoodna loo tix gelin inuu ahaa weeraryahan dhexe oo toos ah iyagoo kusoo najaxayay inay garbaha kasoo ciyaaraan.

Marka laga eego dhinaca weeraryahanada dhexe ee caadiga ah, shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub ayaa ahaa kuwo ay soo marayeen weeraryahano kala duwan oo tayo wanaagsan.

Qiimayntan Daily Sport ay hadda samaysay ayuu booska koowaad kaga soo baxay No.9-ka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski oo xilli ciyaareedkan ah gool dhaliyaha ugu sarreeya dhammaan tartamada Yurub.

Dhinaca kale, booska labaad ayuu soo galay Sergio Aguero oo Man City ahi waxaana uu kasoo hormaray Luis Suarez oo qiimayntan booska saddexaad kaga soo baxay.

Dhaliyaha Tottenham ee Harry Kane ayaa booska afraad kusoo baxay halka uu shanta sarre dhammaystiran Karim Benzema oo Real Madrid ka tirsan.

Halkan Ka Akhriso Magacyada Oo Dhan

10: Ciro Immobile (Lazio)

9: Erling Haaland (Borussia Dortmund)

8: Jamie Vardy (Leicester City)

7: Pierre Emerick Aubameyang (Arsenal)

6: Timo Werner (Chelsea)

5: Karim Benzema (Real Madrid)

4: Harry Kane (Tottenham)

3: Luis Suarez (Barcelona)

2: Sergio Aguero (Man City)

1: Robert Lewandowski (Bayern Munich)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.