Tobbanka Garab Weerar Ee Ugu Wanaagsan Dunida Oo Lasoo Xulay, Salah Iyo Mane Oo Kaalmaha Sarre Laga Qaaday & Booska 1-aad

Shabakadda Daily Star ayaa soo xulatay tobbanka garab weerar ee wakhtigan ugu wanaagsan dunida kubadda cagta iyadoo ay kaalmo lama filaan ah galeen xiddigaha Liverpool ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane oo kamida kuwa ugu fiican wakhtigan.

Garabka weerar ayaa ah mid kamida boosaska ugu farshaxanka qurxoon kubadda cagta maanta, xawaare, caqli badnaan iyo inay dilaa ku yihiin goolka hortiisa ayay caan ku yihiin xiddigaha garbaha weerar.

Halyeeyga kooxda Barcelona ee Ronaldinho ayaa dib u qeexay waxa uu kubadda cagta casriga ah uga dhigan yahay booskaasi iyo sida ay u wanaagsan tahay in garbaha laga weerartamo.

Si kastaba, xulashadan Daily Star ayuu booska koowaad ka galay kabtanka Barcelona ee Lionel Messi oo garab midig asal ahaan u xisaabsan Barca walow uu shaqooyin badan garoonka ka dhex qabto, galintaankiisa booska 1-aad ayaa ah mid muran la’aan ah.

Xiddigaha labada garab weerar uga ciyaara PSG ee Neymar JR iyo Kylian Mbappe ayaa soo raaca iyagoo kasoo hormaray dhigooda Liverpool ee Salah iyo Mane.

Halkan Ka Akhriso Liiska Oo Dhan

10) Jadon Sancho (Borussia Dortmund)

9) Riyad Mahrez (Manchester City)

8) Raheem Sterling (Manchester City)

7) Angel Di Maria (PSG)

6) Eden Hazard (Real Madrid)

5) Sadio Mane (Liverpool)

4) Mohamed Salah (Liverpool)

3) Kylian Mbappe (PSG)

2) Neymar (PSG)

1) Lionel Messi (Barcelona)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.