TOP 10: Richards Oo Soo Xushay 10-ka Saxeex Ee Ilaa Hadda Ugu Wanaagsan PL & Jamaahiirta Chelsea Oo Aan Rumaysan Karin Waxa Uu Ka Yeelay Kai Havertz

Xiddigii hore ee kooxda Manchester City haatana doorka khabiirnimo ugu shaqeeya il-wareedka Sportsmail ee Micah Richards ayaa soo xushay tobbanka saxeex ee ilaa hadda ugu wanaagsan ee ay sameeyeen kooxaha Premier League.

Kooxaha PL ayay qaar badan oo kamid ahi meel iska dhigeen saamayntii dhaqaale ee xanuunka Korona iyagoo samaynaya saxeexyo badan isla markaana lacago ku faraqaya inay keensadaan wajiyo cusub.

Micah Richards wants Uefa to be stronger on racism - BBC Sport

Kooxda Chelsea ayaa ilaa haatan lagu sifayn karaa mida sida ugu fiican uga adeegatay suuqan iyagoo lix saxeex oo waaweyn sameeyay isla markaana 230 Milyan oo Pound suuqa geliyay.

Saxeexa ugu qaalisan taariikhda Chelsea ahna xiddiga 100-ka Milyan ee euro ku jooga ee Kai Havertz ayaa waji-gabax kala kulmay qiimyanta Richards iyadoo gabi ahaanba laga waayay 10-ka saxeex ee ugu sarreeya ee uu soo xushay.

Booska 1-aad ayuu Richards u hibeeyay dhaliyaha cusub ee Blues ee Timo Werner oo xilli ciyaareedkii hore RB Leipzig 34 gool ugu soo dhaliyay 45 kulan waxaana booska labaad soo galay Donny Van De Beek oo Man United kaga soo biiray dhinaca Ajax.

Booska saddexaad ayuu soo buuxiyay Hakim Ziyech oo qiime wanaagsan Blues ugaga yimid dhinaca Ajax, booska afraad ayuu si layaab leh usoo galay Abdoulaye Doucoure oo Watford kasoo dhaqaajiyay isla markaana Carlo Ancelotti kula midoobay Everton.

Xulashada Micah Richards Oo Dhammaystiran

1: Timo Werner (Chelsea)

2: Donny Van De Beek (Man United)

3: Hakim Ziyech (Chelsea)

4: Abdoulaye Doucoure (Everton)

5: Nathan Ake (Man City)

6: Joe Hart (Tottenham)

7: Ben Chilwell (Chelsea)

8: Eberechi Eze (Crystal Palace)

9: Rodrigo (Leeds United)

10: Matt Doherty (Tottenham)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.