Imissa Daafac Ayaa Abid Ka Goolal Badan Sergio Ramos? Akhriso Xogta Tobbanka Daafac Ee Ugu Goolasha Badan & Booska Ramos

Kabtanka kooxda Real Madrid ahna hoggaamiyaha kooxdaas ee Sergio Ramos ayaa ahaa mid tirooyin aan la rumaysan karin kusoo samaystay dhinaca gool dhalinta muddooyinkii ugu dambeeyay kaddib markii uu laba tiro (10 iyo wax ka badan) dhaliyay saddex kamid ah afartii xilli ciyaareed ee u dambeeyay.

Ramos oo xilli ciyaareedkani u yahay mid kale oo weyn oo uu gool dhalintiisa sii wato ayaa ilaa hadda 12 gool soo dhaliyay iyadoo goolkiisii ugu dambeeyay uu ahaa gool kulaad uu Athletic Bilbao kasoo dhaliyay shalay.

Ramos

34 sano jirkan ayaa imika kamida ah xiddigaha rigooraha tuura kuwooda loogu isku halaynta badan yahay wakhti xaadirkan, xaqiiqada ah inuu yahay daafac ayaa xogtaas ka dhigaysa mid cajiib ah.

Si kastaba, kaddib wacdaraha gool dhalineed ee Sergio, waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa liiska 10-ka daafac ee abid ugu goolasha badan kubadda cagta oo uu kabtanka Real booska 6-aad kaga jiro iyo shanta halyeey ee ka sarreeya.

Kaalinta koowaad ayuu ku jiraa tababaraha xulka Holland ee haatan ahna halyeeyga Barcelona ee Ronald Koemen kaas oo 253 gool soo dhaliyay, tiradiisa gool dhalineed ayaa riyo ku noqonaysa weeraryahano badan oo dunida ah iskaba dhaaf daafac e’.

Booska labaad ayuu ku jiraa Daniel Passarella oo koobabkii aduunka ee 1978 iyo 1986 kula soo guuleystay Argentina, Daniel Passarella oo ahaa nin hibo weyn leh ayaa goolal joogto ugu soo dhalinayay River Plate, Inter Milan iyo Fiorentina.

Liiska Oo Dhammaystiran

10. Franz Beckenbauer – 109 goals

9. Roberto Carlos – 113 goals

8. Paul Breitner – 113 goals

7. Steve Bruce – 113 goals

6. Sergio Ramos – 120 goals

5. Graham Alexander – 130 goals

4. Laurent Blanc – 153 goals

3. Fernando Hierro – 163 goals

2. Daniel Passarella – 175 goals

1. Ronald Koeman – 253 goals

 

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.