TOP 10: Kaddib Heshiiskii Cusbaa Ee Aubameyang U Saxeexay Arsenal, Waa Kuwan 10ka Ciyaartoy Ee Ugu Mushaharka Badan Premier Leauge

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa heshiis cusub oo uu lacag badan oo myushahar ah ku qaadanaya qalinka ugu duugay Arsenal, kaas oo Emirates Stadium kusii hayn doona saddex sannadood oo kale.

31 jirkan reer Gabon oo hore mushahar ahaan uga qaadan jiray Gunners £200,000 toddobaadkii, ayaa waxa uu hadda u xaadiri doonaa lacag dhan £350,000 Gini toddobaadkii, taas oo ka dhigaysa ciyaartoyga ugu mushaharka badan iyagoo Mesut Ozil isku mid noqonaya.

Ozil oo la filayo inuu ka tago Arsenal xagaagan ama sannadka dambe marka uu dhamaado heshiiskiisu, ayaa waxa liiska ciyaartoyda ka taajiraysa Arsenal ku jiri doona Aubameyang saddexda sannadood ee soo socota, taas oo ah qodobkii qanciyey si uu usii joogo naadigan.

Aubameyang oo warbaahinta la hadlay ayaa caddeeyey waxa uu ku hamiyayo kaddib heshiiskan, waxaanu yidhi: “Waxa aan doonayaa inaan noqdo halyey Arsenal ah, si la mid ah Thierry Henry, Ian Wrighton, Tony Adams iyo Dennis Bergkamp. Waxa aan doonayaa inaan ka tago wax la igu xasuusto, halkana aniga ayaa iska leh. Halkani waa qoyskaygii. Waxa aanu haysanaa wax na farxad geliya, waxa aanan rumaysanahay in wax wanaagsan u iman doono Arsenal.”

Warbaahinta Ingiriiska ayaa kaddib heshiiskan, waxay dib ugu laabatay mushaharka ay qaataan ciyaartoyda horyaalka Premier League, gaar ahaan tobanka ugu sarreeya oo uu hadda ka mid noqday Aubameyang oo kula biiray laba laacib oo kale oo Arsenal ah.

Halkan kaga bogo 10ka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan Premier League iyo lacagta ay qaataan:10. Willian | Arsenal | £220k- toddobaadkii

9. Sergio Aguero | Man City | £230k-toddobaadkii

8. Anthony Martial | Man United | £250k-toddobaadkii

7. Paul Pogba | Man United | £290k-toddobaadkii

6. Raheem Sterling | Man City | £300k-toddobaadkii

5. Kai Havertz | Chelsea | £310k-toddobaadkii

4. Kevin De Bruyne | Man City | £320k-toddobaadkii

3. David de Gea | Man United | £350k-toddobaadkii

2. Mesut Ozil | Arsenal | £350k-toddobaadkii

1. Pierre-Emerick Aubameyang | Arsenal | £350k iyo lacago kale oo dheeraad ah toddobaadkii.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.