Toddoba Laga Dirayo Old Trafford, Afar Amaah Lagu Dirayo & 7 Uu Ku Faro Daygayo – Ole Gunnar Solskjaer Oo Talo Muhiim Ah Loosoo Jeediyey

Manchester United waxa la filayaa inay dardar iyo horyaalka oo ay ku tartamayso ku bilaaban doonto xili ciyaareedka dambe, isla markaana ay ka muuqan doonaan astaamihii lagu yaqaanay ee ahaa inay si dhab ah horyaalka ugula xafiiltami doonto Manchester City iyo Liverpool.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo si fiican iskugu dubba-ritay safkiisa qaybtii dambe ee xili ciyaareedkii dhowaanta dhamaaday, kaalinta saddexaadna ay soo galeen, ayaa waxa uu suuqa ugu jiraa inuu soo iibsado ciyaartooyo uu safkiisa kaga xoojiyo dhawr meelood.

Solskjaer oo ay kooxdiisu kaliya hal mar guul-darraysatay 22kii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada, waxa uu helay sirtii uu ku hoggaamin lahaa naadigiisa ee uu naadiyada waqtigu u wanaagsanaa ku garaaci lahaa.

Waxay niyaddu si fiican ugu sii degtay markii uu Manchester City ku kibir-jabiyey Etihad Stadium, sidoo kalena uu Liverpool ka diiday inay Old Trafford kala tagto guul, waxaanu maamulka kooxda hor dhigay liiska xiddigaha uu doonayo in loo keeno inta uu furan yahay suuqa iibka, kuwaas oo siinaya kala doorasho muhiim ah iyo xiddigaha qorshihiisa u hirgelin karaya, waxaana ka mid ah Jadon Sancho iyo Jack Grealish.

Marka laga yimaaddo ciyaartoydan, waxa jira laacibiin kale oo uu Ole Gunnar Solskjaer go’aan ka gaadhi doono mustaqbalkooda, kuwaas oo qaarkood ay haddaba ku maqan yihiin amaah, kuwo kalena Old Trafford joogaan laakiin ay ka hooseeyaan heerka tayada uu ka doonayo kooxdiisa.

Toddoba ka mid ah ciyaartoydan ayaa loo soo jeediyey inuu iibiyo, toddoba kalena kusii hayo kooxda, halka uu afar kalena loo sheegay inuu amaah ku bixiyo.

Halkan kaga bogo magacyada ciyaartoydan:

Goolhayeyaal:

Lee Grant – Inuu kusii hayo Old Trafford

Sergio Romero – Inuu kusii hayo Old Trafford

Joel Pereira – Inuu iibiyo xagaagan

Difaacyahanno

Phil Jones – In la iibiyo

Chris Smalling – Inuu kusii hayo Old Trafford

Marcos Rojo – In la iibiyo

Diogo Dalot – Inuu kusii hayo Old Trafford

Timothy Fosu-Mensah – In amaah lagu diro

Axel Tuanzebe – In amaah lagu diro

Brandon Williams – Inuu kusii hayo Old Trafford

Khadka Dhexe

Juan Mata – In la iibiyo

Jesse Lingard – In la iibiyo

Andreas Pereira – In la iibiyo

Fred – Inuu kusii hayo Old Trafford

Dan James – Inuu kusii hayo Old Trafford

James Garner – In amaah lagu diro

Weerarka

Alexis Sanchez – In la iibiyo

Tahith Chong – In Amaah lagu diro

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.