Tobankii Saxeex Ee Ugu Xumaa Ee Kooxaha Premier League Sameeyeen Xagaagii Hore Oo Lasoo Bandhigay

Xagaagii hore, waxa kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ay sameeyeen saxeexyo badan, iyagoo soo qaatay laacibiin ay rumaysnaayeen inay isku xoojinayaan, laakiin dhamaan filashadaasi umay hirgelin naadiyada oo dhan.

Xili ciyaareedkan sii dhamaanaya oo ah mid ka duwanaa sannadihii hore, waxa dhacay musiibo aan xisaabta lagu sii darsan oo ahaa caabuqa Korona oo dunida oo dhan kala go’doomiyey, isla markaana ay ciyaaruhu u taagnaayeen bilihii March, April, May iyo qaybtii hore ee bisha June, taas oo keentay in horyaalladu ay socdaan ilaa dhamaadka bisha July.

Epl

Waxa kale oo ay dhibaatadani saamayn ku yeelanaysaa suuqa iibka ee xagaagan oo ay ahayd inuu furmo bishii hore ee June, laakiin ilaa hadda xidhan maadaama aanay horaalladu bilaabmin. Hadal haynta ugu weyn ayaa ah awoodda ay kooxuhu u heli doonaan inay ciyaartooyo soo iibsadaan maadaama ay ku habsatay dhaqaale xumo, muddo afar bilood iyo dheeraad ahna ay bixinayeen mushaharka ciyaartoyda iyo shaqaalaha iyagoo aanay wax lacag ahi soo gelayn.

Naadiyada qaarkood waxay eeganayaan fursadaha ay ku heli karayaan ciyaartoyda sida xorta ah uga tegaya naadiyadood ee heshiisyadoodu dhamaadka yihiin, kuwo kalena waxay si aamusnaan ah u qorshaynayaan in laacibiin aanay lacag badan kaga bixin ay soo iibadaan.

Chelsea ayaa cudud dhaqaale muujisay oo laba saxeex oo waaweyn samaysay, waxaanay £37 milyan kusoo iibsatay Hakim Ziyech inkasta oo uu saxeexiisu dhacay ka hor intii aanay bilaabmin dhibaatada Korona iyo Timo Werner oo ay ku dhowaad £50 milyan oo Gini ka bixiyeen bishii hore.

Kooxaha intooda badan, waxay ka ka fiirsanayaan saxeexyada ay samaynayaan iyo sidii aanay ugu dhici lahayn qaladkii ay xagaagii hore ka sameeyeen suuqa, gaar ahaan toban ciyaartoy oo ay toban naadi sameeyeen oo lagu tilmaamay ‘saxeexyadii ugu xumaa’.

Wargeyska Daily Star Sport ayaa soo xulay 10kii saxeex ee ugu xumaa ee ay kooxaha Premier League sameeyeen xagaagii hore, waxaana ka mid ah difaaca reer Brazil ee David Luiz.

Tanguy Ndombele oo ay Tottenham kasoo bixisay lacag dhan £55 milyan iyo £9 milyan oo Gini oo kale oo dheeraad ah oo ku xidhan bandhiggiisa, ayaa isaguna liiska ciyaartoyda fashilmay ku jira.

10ka saxeex ee ugu xumaa ee kooxaha Premier League sameeyeen xagaagii hore:

Joelinton, Newcastle

David Luiz, Arsenal

Wesley, Aston Villa

Andre Gomes, Everton

Joao Cancelo, Manchester City

Che Adams, Southampton

Tanguy Ndombele, Tottenham

Danny Welbeck, Watford

Roberto, West Ham

Patrick Cutrone, Wolves

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.