Tirada Lacagta Ay Helayaan Sevilla & Inter Milan Oo Caawa Wada Ciyaaraya Finalka Europa League

Tartanka xiisha badan ee Europa League ayaa caawa lagu balansanyahay kulankiisa, waxaana fooda isdari doona kooxaha Sevilla iyo Inter Milan oo markii ugu horreysay taariikhdooda iskugu yimid tartankan.

Tartanka Europa League oo dib loo bilaabay bishii hore ee July, waxa uu socday muddo bil iyo dheeraad ah iyadoo marxaladihii siddeedda iyo semi-finalka ay kooxuhu ciyaareen min hal kulan wareeg kasta, si toos ahna ay u hadhaysay kooxda laga badiyo, maadama waqtiga la haystay uu kooban yahay.

Finalka Europa League ee sannadkan, waxa lagu ciyaarayaa Jarmalka oo nasiibku u keenay markii uu caabuqa Korona xidh-xidhay wadankii hore loogu ballamay, si la mid ah Champions Lague final oo laga soo wareejiyey garoonkii ay ku ciyaari lahaayeen.

Haddaba ka hor kulanka caawa, waxaanu eegeynaa qaabka lacagaha ay u kala helayaan Kooxaha ka qeyb galay tartanka iyo dhaqaalaha ay heli doonta kooxda guuleysata koobka Europa League, taas oo ka caawin karta inay kaga faa’iidaysato suuqa amaba ku xoojiso cududahooda dhaqaale ee uu wiiqay caabura Korona.

Labada Kooxood ee soo gaadha Finalka Tartanka Europa League ayaa heli doona adduun lacageeda oo dhan £3.84 million kooxdiiba, halka kooxda Tartanka ku guuleysata ay heli doonta in ka badan £ 3.41m qarashka ay heshay kooxdii laga qaado Tartanka.

Hadaba hoos aan ka eegno qabka kooxaha ka qeyb galay tartanka Europa Leauge ay u kala helaayaan qarashka.

Kooxaha soo gaadhay wareega 32-ka waxay heli doonan – £427,000 (€500,000) kooxdiiba.

Kooxaha soo gaadhay wareega 16 -ka waxay heli doonaan £940,000 (€1.1m) kooxdiiba

Kooxaha soo gaadhay wareega Sideed dhamaadka waxay heli doonaan £1.28m (€1.5m) kooxdiiba

Kooxaha soo gaadhay wareega Afar Dhamaadka waxay heli doonaan – £2.05m (€2.4m) kooxdiiba.

Kooxaha soo gaadhay Finalka waxay heli doonan- £3.84m (€4.5m) kooxdiiba

Kooxda qaado tartanka waxay heli doonta lacag dheeri ah oo £3.41m (€4m)

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.