Thiago Alcantara Oo Qaaday Talaabo Si Buuxda U Sheegaysa Kooxda Uu Ka Ciyaari Doono & Warka Ay Ka Heshay Liverpool

Khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara ayaa laga helayaa xog cusub oo la xidhiidha heshiiska uu ugu wareegayo kooxda dhawaan ku guuleysatay Premier League ee Liverpool.

Thiago ayaa ilaa sanadkii 2013 qayb ka ahaa Bayern Munich isagoo kula soo guuleystay toddoba horyaal Bundesliga oo xidhiidh ah iyo waliba koobab kale oo badan oo maxali ah.

Juventus linked with Thiago Alcantara -Juvefc.com

29 sano jirkan ree Spain ayaa doonaya inuu tartan iyo horyaal cusub tago kaddib markii ay heshiis kordhin isku fahmi waayeen kooxda ree Germany waxaana uu mustaqbalkiisa ka dhex arkaa Liverpool.

Sida ay sheegeen warbaahinta ree Germany, Thiago ayaa hesiiis afar sano ah ka doonayay Bayern Munich si uu usii joogo balse kooxdaas ayaa saddex sano usoo bandhigtay kahor inta uusan go’aansan inuu si buuxda uga hayaamo Allianz Arena.

Haddaba, warka xanta ah ee sheegaya in Thiago uu Bayern ugaga wareegayo dhinaca Reds ayaa wali diidan inuu hakad galo iyadoo markale lagu xusayo boggaga hore ee wargeysyada Germany.

Sida uu sheegayo il-wareedka Abendzeitung ee Munich kasoo baxa, Thiago Alcantara ayaa hadda dhammaan macasalaameeyay axaabtiisa Bayern isaga oo kusii jeeda dhinaca Anfield.

Waxa la fahamsan yahay in ismari waaga ilaa wakhtigan ka dhex jira Liverpool iyo Bayern Munich yahay inuu u dhaxeeyo farqi 10 Milyan oo euro ahi oo ah lacagaha ay ku kala iibsanayaan Alcantara.

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.