Thiago Alcantara Oo Markale Si Adag Uga Hadlay Mustaqbalkiisa Bayern Munich Xilli Ay Ugu Dambayn Liverpool Iyo Man United War Cad Heleen

Khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich iyo xulka qaranka Spain ee Thiago Alcantara ayaa ka hadlay markale mustaqbalkiisa isaga oo gabi ahaanba kasoo horjeedsaday wixii ay madaxda ugu sarreysa kooxdiisu ka sheegeen rabitaankiisa.

Thiago Alcantara ayaa la fahamsan yahay inuu xiisaynayo horyaal iyo tartan cusub inuu u wareego kaddib mudo toddoba sano ah oo uu soo joogay Bayern.

29 sano jirkan ayaa muhiim ka ahaa shaxdii uu macalin Hansi Flick ku qaaday saddexleyda koobabka ah xilli ciyaareedkan balse waxa si weyn loola xidhiidhinayaa inuu u dhaqaaqayo dhinaca Premier League.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ah mid si weyn u taageera Thiago iyo hab ciyaareedkiisa, kooxda ay Reds xifaaltamaan ee Man United ayaan qudheedu meesha ka maqnayn iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Ole Gunnar Solskjaer uu taleefan ku wacay ciyaaryahanka.

Madaxa fulinta Bayern Munich iyo tahabare Flick ayaa labaduba saxaafada si cad uga hor sheegay in Thiago uu doonayo inuu iskaga baxo kooxdooda.

Arrinta cajiibka ah ayaa ah in Thiago oo ka hadlay shirka xulkiisa Spain ee ka horreeya kulanka Ukraine uu sheegay inuusan marnaba bixitaan ka dalban Bavaria taas oo xaalada kusii xumaynaysa kooxaha hungurigu kaga jiran inay helaan.

Alcantara oo mustaqbalkiisa ka hadlayay ayaa yidhi “Anigu marnaba ma odhan waan tagayaa, sanad kasta waxaad i geysaan koox kale”

“Aniga ahaan mustaqbalkaygu waa kulanka berri mana jiro wax intaas ka badan oo la sheegaa, aniga waxbana igama gelin mana xiisaynayo, waxa i xiiso gelinayaa waa berri”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.