Telefishanka beIN Sports Oo Shaaciyey wariyeyaasha Tabin Doona Kulamada Waaweyn Ee Premier League, LaLiga, Bundesliga Iyo Serie A

Telefishanka beIN Sports ayaa shaaciyey wariyeyaasha ku qoran baahinta kulamada usbuucan ee horyaallada dalalka Yurub, gaar ahaan Premier League, LaLiga, Serie A iyo Bundesliga, kuwaas oo dhamaantood la ciyaarayo maalmaha Sabtida iyo Axadda.

Horyaallada ayaa hore loo dhamaystirayaa toddobaadkan maadaama ay jiraan ciyaaro caalami ah oo Arbacada ka bilaabmi doona, taas oo ay tahay in ciyaartoydu u safraan waddamadooda si ay xulalkooda ugu biiraan.

BeIN Sports ayaa qaybta luuqadda Carabiga waxa uu ku tabin doonaa inta badan kulamada waaweyn ee horyaallada, waxaana diyaar ah wariyeyaasha waaweyn ee la yaqaano intooda badan, iyadoo sidoo kale ay shaqada ku jiraan tacliiqiyeyaal kale oo aan magac weyn lahayn.

Cusaam Shuwaali ayaan Sabtida qaban doonin kulamada horyaallada Yurub, waxaana uu ku qoran yahay ciyaar ka tirsan Asia Champions League oo ay ku ballansan yihiin labada kooxood ee Al Nasr vs Persepolis oo maanta foodda is-daraya, laakiin waxa uu soo laaban doonaa Axadda oo uu daadihin doono kulanka adag ee Barcelona ay martigelin doonto Sevilla, halka saaxiibkii Rauf Khalif uu urursanayo xogta kulanka Real Madrid ay martida ugu noqonayso Levante.

Jadwalka wariyeyaasha ee kulamada horyaallada Yurub:

Kulamada Sabtida:

Chelsea vs Crystal Palace – Yuusuf Sayf

Everton vs Brighton – Axmed Baluushi

Atletico Madrid vs Villarreal – Cali Maxamed Cali

Leeds United vs Manchester City – Xafiid Daraaji

Newcastle vs Burnley – Axmed Cabdi

Kulamada Axadda

Leicester City vs West Ham – Cali Maxamed Cali

Arsenal vs Sheffield United – Maxamed Barakaat

Wolves vs Fulham – Xusaam Al-Damsiisi

Lazio vs Inter Milan – Xasan Caydaruus

Levante vs Real Madrid – Rauf Khaliif

Manchester United vs Tottenham – Khaliil Baluushi

Aston Villa vs Liverpool – Khaalid Xaddi

Juventus vs Napoli – Xafiid Daraji

Lyon vs Marseille – Jawaad Badah

Barcelona vs Sevilla – Cusaam Shuwaali

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.