Tartanka Walaalaha!! Walaalka Nacho Fernandez Oo Real Madrid Kahor Imanaya & Haddii Uu Filayo In Nacho Laag La Dhici Doono

Taariikhdu markii ay ahayd 27-kii May 2012, xiddigaha walaalaha ah ee Nacho Fernandez iyo Alex Fernandez ayaa kusoo bilawday shaxda Real Madrid Castilla oo 5-1 ku garaacday dhigooda Cadiz balse toddobaadkan xaalada ayaa sidaas ka duwanaan doonta.

Xaalada ayaa ah mid sidaas ka duwan kaddib mudo siddeed sano ah iyadoo ay labada ciyaaryahan iska hor iman doonaan, Real oo uu u ciyaarayo Nacho ayaa kahor tagi doonta kooxda Alex ee Cadiz.

Nacho and Alex Fernandez.

Si lamid ah Alex, waxa jiri doona ciyaaryahan kale oo Real Madrid kasoo baxay kuliyadeeda oo Cadiz usoo safan doona kulankaas waana Alvaro Negredo.

Alex iyo Nacho ayaa ahaa kuwo hal mar oo hore iska hor yimid balse kulankaas ayaan ahayn mid xirfadlayaan caalami ah ay ahaayeen, kulankan ayaa noqonaya mid kuwii hore ka duwan oo ay si gaar ah u sugi doonaan waalidiintood.

Alex Fernandez oo Marca u warramay kulanka kahor ayaa sheegay inuu ku laabanayo halkii uu mudo 10 sano ah kusoo qaatay isla markaana ay kulanka kahor isaga iyo Nacho ka wada hadleen waxa ay uga dhigaan doonto inay iska hor imanayaan.

Alex ayaa sheegay inuu walaalkii darbad (Laag) kala kulmi karo kulanka dhexdiisa maadaama ay xirfadlayaal ahaan doonaan oo uu midkasta kooxdiisa u dagaallamayo.

“Waxaan ku laabanayaa halkii aan kusoo qaatay 10 sano oo noloshayda ah iyo halkii aan kusoo koray” ayuu ugu horreynba Alex u sheegay Marca.

“Real Madrid waxay i siisay waxkasta si aan xirfadle kubadda cagta ah u noqdo, iyo xaqiiqada ah inaan kulanka kahor tagayo walaalkay oo tusaale ii ahaa aniga ayaa noqon doonta waxkale”

“(Laag) igaga yimaada dhinaca Nacho miyaa?, shaki kuma jiro mid ayaan kala kulmi doonaa, waa inaanu noqono xirfadlayaal midkastaana kooxdiisa ayuu difaacayaa”

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.