Tababare Zidane Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mucjisada Khadka Dhexe Ee Martin Odegaard – Miyuu Amaahda Kasoo Celinayaa?

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aamiyay haddiiba uu safka kooxdiisa kusoo xoojinayo khadka dhexe ee ree Norway ee Martin Odegaard kaas oo laba xilli ciyaareed oo amaah ah ugu maqnaa Real Sociedad.

Tababare Zidane iyo kooxdiisa Real Madrid oo go’aan gaadhay ayaa Sociedad u sheegay inay doonayaan inay dib u ceshadaan Odegaard xagaagan walow heshiiskiisa amaahda ah ee Anoeta Stadium uu hal xilli ciyaareed ka dhinaa.

Go’aankan ayuu shaqsiyan u qaatay Zidane oo madaxda sarre ee kooxdiisa ka codsaday in loosoo celiyo 21 sano jirkan oo kasoo dhalaalay Sociedad xilli ciyaareedkan 2019-20.

Heshiiska uu Zidane ku doonayo inuu soo ceshado Martin Odegaard ayaa ugu horreynba ah maadaama oo uu xilli ciyaareed wanaagsan soo qaatay balse sidoo kale shaki weyn galinaysa mustaqbalka xiddigaha kala ah Isco, Toni Kroos iyo James Rodriguez.

Mid kamida kulamada uu goob-jooga u ahaa Zidana iyadoo uu Odegaard wacdarro dhigayo ayaa ah ciyaartii Santiago Bernabeu ka dhacday ee 3-4 kusoo dhammaatay ee Copa Del Rey ka tirsanayd markaas oo ay La Real reebeen Los Blancos iyadoo uu Odegaard gool dhaliyay.

Real Madrid ayaa asal ahaan marka hore doonaysay in Odegaard uu xilli ciyaareed kale sii joogo Sociedad balse sidoo kale xiddiga qudhiisa u fasaxday inuu go’aansado haddiiba uu horumarkii ugu badnaa sameeyay oo uu soo laaban karo.

Odegaard ayaa sheegay inuu doonayo inuu xilli ciyaareed kale sii joogo Sociedad balse wada sheekaysi uu la yeeshay Zidane iyo xaqiijin ay ka heleen madaxweyne Florentino Perez kaddib waxa uu diyaar u yahay inuu ku laabto Bernabeu.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.