Xiddigii Garoonka Oo Ciyaartoygii U Qalmayey La Siiyey Iyo Qiimaynta Kulankii Chelsea & Brentford

Gool uu Ben Chilwell u dhaliyey qaybtii hore ayaa Chelsea ugu filnaaday inay saddex dhibcood kasoo hesho Brentford isla markaana kula wareegto hoggaanka horyaalka Premier League.

Geesiga Chelsea guusha u go’aamiyey ayaa ahaa goolhayaha reer Senegal ee Edouard Mendy oo haddii aanu isagu joogi lahayn dersin goolal ah laga dhalin lahaa kooxdiisa, kuwaas oo xataa uu halis ku geliyey naftiisa oo dhakhaatiirta loogu yeedhay gudaha garoonka.

Bryan Mbeumo ayaa laba jeer birta ka jaray kubbado goolal loo fashisay oo dhaafay goolhayaha laakiin nasiibkiisa ayaa ka joojiyey in lagu qoro xaashida goolasha kulanka.

Chelsea ayaa guusheedan waxay kula wareegtay hoggaanka horyaalka oo ay Liverpool si ku-meelgaadh ah usii qabatay duhurnimadii iyadoo 5-0 ku xasuuqday Watford, waxaanay hadda Chelsea horreysaa hal dhibic.

Xiddigii garoonka

Goolhaye Edouard Mendy ayaa la siiyey xiddigii ugu fiicnaa garoonka, dhab ahaantiina waxay ahayd mid uu u qalmayay oo aanu shaki ka gelin, sababtoo ah ma jirin ciyaartoy ka wax qabad badnaa. Xilli ay Brentford soo jabsatay difaacyahannada Blues ayuu Mendy noqday midka u istaagay in libinta aan laga ridanin naadigiisa.

Mendy ayaa helay qiimaynta ugu sarraysay garoonka oo ay darajadeedu ahayd 9, mana  jirin laacib kale oo kala mid ahaa. Tani waxay muujinaysaa in Chelsea laga awood badnaa oo ay halis badan gashay.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Brentford: Raya (6), Henry (6), Pinnock (6), Jansson (6), Zanka (5), Canos (5), Norgaard (7), Onyeka (6), Jensen (6), Mbeumo (7), Toney (6)

Beddelka: Forss (6), Ghoddos (6)

Chelsea: Mendy (9), Azpilicueta (6), Sarr (7), Christensen (7), Chalobah (6), Chilwell (8), Kovacic (6), Kante (7), Loftus-Cheek (7), Werner (6), Lukaku (5)

Beddelka: Mount (6), Havertz (NA), James (NA)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*