Wararka SUUQA: Newcastle Oo Tartanka Haaland Gashay, Arsenal Oo Dhaliye Real Madrid Ah Doonaysa & Daafac Man United Isagu Dalbaday

Wakiilka Mohamed Salah ayaa u duulay England si uu wadahadalo fool-ka-fool ah ugala yeesho heshiis kordhinta xiddigiisa. (Sunday Mirror)

Newcastle United ayaa daalacanaysa weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland oo sidoo kale bar-tilmaameed u ah Manchester City, Real Madrid iyo Paris St-Germain. (AS, via Sport Witness)

Newcastle ayaa lacag kaliya 50 Milyan oo pound ah u qorshaysay suuqa ugu horreeya ee bisha January. (Sunday Telegraph)

Barcelona ayaa qorshaynaysa inay bisha January u dhaqaaqdo 26 sano jirka kooxda Manchester City ee Raheem Sterling. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Barca ayaa sidoo kale doonaysa saxeexa khadka dhexe ee Man United ee Nemanja Matic (Sun on Sunday)

Real Madrid weeraryahankeeda Luka Jovic ayay Arsenal u dooratay bedelka dhaliyaheeda kasii socda ee Alexandre Lacazette. (Fichajes)

Sevilla daafaceeda Jules Kounde ayaa wakiilkiisa weydiistay inuu wadahadalo la bilaabo Man United, sidoo kale Chelsea iyo Real Madrid ayuu bar-tilmaameed u yahay. (El Nacional – in Spanish)

Jack Wilshere ayaa kula taliyay Declan Rice inuu diido dalabaadka Man United iyo Chelsea oo uu sii joogo West Ham United. (Sunday Mirror)

Arsenal khadkeeda dhexe ee Martin Odegaard ayaa u furan inuu ku laabto Real Sociedad sida uu sheegay goolhayihii hore ee Arsenal ee Mat Ryan oo hadda Sociedad ka tirsani. (Mundo Deportivo, via Sunday Mirror)

Chelsea daafaceeda dhexe ee Antonio Rudiger ayaa doonaya heshiis toddobaadkii 400,000 si uu usii joogo Stamford Bridge. (Mail on Sunday)

Robert Lewandowski wakiilkiisa ayaa sheegay in Manchester City ay tahay koox macquul ah oo uu 33 sano jirkaasi ku biiri karo mustaqbalka. (Bild, via Star on Sunday)

Dani Alves ayaa kooxdiisii hore ee Barcelona u bandhigay heshiis uu mushahar jaban ugu biiri karo, 38 sano jirkaas ayaa xor ah haatan kaddib markii uu bishii September kansalay heshiiskiisii Sao Paulo. (AS – in Spanish)

Liverpool ayaa Arsenal iyo Leeds kula biirtay saxeexa 22 sano jirka kooxda Club Brugge ee Noa Lang. (Calciomercato, via Teamtalk)

Chelsea ayaa bisha January heshiiskii amaahda ahaa ee Norwich kasoo celin karta khadka dhexe ee Billy Gilmour kaddib markii uu tababaraha kooxdaas ee Daniel Farke sheegay inaysay ahayn koox kooxaha kale ciyaartoyda u horumarisa. (Sunday Express)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*