Ronaldo Oo Noqday Ciyaartoygii Ugu Liitay, Tilemans & Vardy Oo Xiddignimada Isku Qabsaday Iyo Qiimaynta Kulankii Leicester & Man United

Leicester City ayaa ka daba timid Manchester United waxaanay kaga guuleysatay 4-2 iyadoo 12kii daqiiqadood ee ugu dambeeyeyna dhalisay saddex gool. Tani waxay soo afjartay 29 ciyaarood oo xidhiidh ahaa oo Manchester United aan lagaga soo badin kulamada dibedda, rikoodhkaasna maanta ayaa lasoo afjaray.

Mason Greenwood oo hoggaanka u dhiibay United, waxa goolkiisa waxba kama jiraan ka dhigay Youri Tielemans, Caglar Soyuncu, Jamie Vardy iyo Daka, halka Cristiano Ronaldo uu isagoo sooman ka  baxay garoonka, hsase yeeshee Marcus Rashford oo dhaawac kasoo laabtay ayaa furtay xisaabtiisa goolasha.

Xiddigii garoonka

Youri Tielemans oo ahaliyey gool qurux badan, kuna dhowaaday inuu mid labaad dhaliyo oo kubadda oo goolka ku socota uu kasoo qabtay Matic, ayaa loo doortay xiddigii ugu wanaagsanaa garoonka.

Kubbad-sameeyahan ayaa ahaa hal-abuuraha ka adkaaday Bruno Fernandes iyo Pogba, sidoo kalena samaynayay difaacis marka looga baahan yahay.

Qiimayntii garoonka ayuu ka helay darajada ugu sarraysa, waxaanay isku mid ahaayeen Jamie Vardy, hase yeeshee saamaynta uu ciyaarta ku lahaa way ka badnayd inta uu Vardy sameeyey inkasta oo uu isaguna gool dhaliyey waqti dambe, culays badanna ku hayey difaaca.

Labadii ciyaartoy ee ugu liitay

Guud ahaan marka la isku daro ciyaartoyda labada kooxood, Cristiano Ronaldo iyo Harry Maguire ayaa noqday kuwa ugu liitay garoonka oo dhan. Ma jirin laba ciyaartoy oo sidooda oo kale u ceeboobay, waxaana u dhaami lahayd iyagoo maqnaada.

Harry Maguire oo kasoo laabtay dhaawac ayaa uu Iheanacho ka qaatay kubadda goolka hore lagaga dahliyey United, halka Ronaldo uu ahaa maqane jooga isla markaana khasaariyey fursadihii uu helay.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Leicester: Schmeichel (6), Pereira (7), Amartey (6), Evans (7), Soyuncu (7), Castagne (7), Soumare (7), Tielemans (8), Maddison (7), Vardy (8), Iheanacho (7)

Kaydka: Perez (7), Daka (7), Vestergaard (n/a)

Man United: De Gea (6), Wan-Bissaka (6), Lindelof (6), Maguire (5), Shaw (6), Matic (6), Pogba (6), Greenwood (8), Fernandes (6), Sancho (6), Ronaldo (5)

Kaydka: Rashford (7), McTominay (6), Lingard (6)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*