“Qoys Kale Ayaad U Bur-Burisay Dh***” – Icardi Oo Gabadhii Uu Saaxiibkii Ka Dhacay Khiyaamay & Xogta Laga Helayo

Wanda Nara ayaa barteeda Instgram ka saartay dhammaan sawiradii ay ku wada jireen saygeeda Mauro Icardi, waxa ay sidoo kale ka laabatay inay akoonkiisa bartaas la socotay (Unfollow).

Wanda Nara oo kamida dumarka ciyaaryahanada u dhaxa kuwooda ugu caansan ayaa barteedaasi soo dhigtay qoraal hadal hayn badan dhaliyay oo ay ku tidhi “Waa qoys kale oo aad u bur-burisay Dh***”.

Icardi ayaa Wanda oo sidoo kale ah wakiilkiisa kubadda cagta qabay tan iyo sanadkii 2014 balse waxa markan lagu eedaynayaa inuu khiyaamo kula kacay qoyskooda oo uu gabadh kale ka raacay.

Qoraalka ay Wanda ku sheegtay in markale qoys uu gabadh xun darteed u bur-buriyay ayaan ahayn mid lagu xusay 28 sano jirka Paris Saint-Germain balse ciyaaryahankaas ayaa loo qaatay kaddib dhaq-dhaqaaqyada ay samaysay iyo inuu isagu ahaa shaqsiga ay wax kala dhaxeeyeen.

Icardi ayaa horeba Wanda Nara ugala wareegay saaxiibkiisii kooxda Sampdoria ee Maxi López kaas oo ay kala tageen gabadhaas kaddib markii uu ogaaday inay xidhiidh hoose la lahayd Mauro,

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*