Maaha Aubameyang!! – Jack Wilshere Oo Sheegay Xiddiga Ugu Dheereeya Arsenal Wakhtigan

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Jack Wilshere oo haatan koox la’aan ah balse mudooyinkii ugu dambeeyay isla kooxdaas tababar la samaynayay ayaa shaaca ka qaaday xiddiga ugu xawaaraha dheereeya safka kooxda wakhtigan.

Wilshere ayaa haatan tababarka la samaynaya Arsenal si uu u helo dalab heer sarre ah oo uu wali ciyaarista kubadda cagta kusii wado, sidoo kale kooxda ayuu kaga shaqaynayaa horumarinta xirfadiisa tababarenimo.

Si kastaba, daafaca bidix ee kooxda ee Kieran Tierney ayuu Wilshere ku sheegay midka ugu dheereeya kooxda wakhtigan isaga oo ka horreysiiyay kabtan Pierre Emerick Aubameyang.

Wilshere ayaa sheegay in markii uu ogaaday in Tierney yahay ciyaaryahanka ugu dheereeya kooxda ay layaab ku noqotay isaga oo sidoo kale xiddiga Scottish-ka ah ku taageeray inuu noqdo kabtanka mustaqbalka ee Gunners maadaama oo uu yahay hoggaamiye dabiici ah.

Jack oo la hadlayay talkSPORT ayaa yidhi “Isagu halkaas muu joogin toddobaadyadii ugu dambeeyay, waxa uu ku maqnaa Scotland, laakiin qofkasta waxa uu ka hadlayay in isagu yahay nin wanaagsan, hoggaamiye dabiici ah, sidaas darteed waa suurogal haa (Inuu kabtan ka noqdo kooxda)”.

“Maanta waxaanu samaynaynay tijaabo orodka ah waxaanan weydiiyay ninka ka shaqeeya arrimaha jidh-dhiska ‘Waa kuma ciyaaryahanka ugu dheereeyaa, ma Aubameyang baa?’ waxaana uu yidhi ‘Maya waa Kieran Tierney’ – layaab ayay igu noqotay.”

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*