Leicester Oo Ku Tumatay Manchester United, Ole Oo Guul-darro Kale Soo Hooyey Iyo Natiijooyinka Kulamadii Kale Ee Premier League

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul-darradii labaad oo xidhiidh ah kasoo hoysay horyaalka Premier League, waxaana kulan musalsal ahaa ku garaacday Leicester City oo ay ku kala baxeen 4-2.

Leicester City ayaa ka daba timid Manchester United oo gool kala  hormartay, waxaanay ugu beddeleen laba ka hor intii aanay Red Devils helin gool daqiiqaddii xigtayba laga daba yimid.

Mason Greenwood ayaa hoggaanka u dhiibay Manchester United daqiiqaddii 19aad, kaddib markii uu kubbad kala soo galay dhinaca midig, kaddibna ku hagaajista lugta bidix isagoo taagan bannaanka xerada ganaaxa, taas oo uu ku liishaamay gantaal uu goolhaye  Kasper Schmeichel joojin kari waayey.

Leicester City ayaa culays saartay Manchester United kaddib goolka laga dhaliyey, waxaana difaacyahannada Red Devils nasashada u diiday Jamie Vardy iyo Iheanacho oo orokooda adeegsanaya.

Weeraryahanka reer Nigeria ee Iheanacho ayaa kubbad uu kubadda ka timid David de Gea waxa uu ka boobay Harry Maguire oo si caajis ah u sugayay, waxaanu u sii dhiibay Tilemans oo isaguna ka dul-qaaday goolhayaha reer Spain, sidaana goolka barbarraha ugu keenay kooxdiisa.

Maddison ayaa dhawr kubbadood oo halis ah ku toogtay goolka Manchester United laakiin goolhaye De Gea ayaa feejignaan u lahaa, halka Iheanacho uu isaguna ku dhowaaday inuu qaybta horeba shabaqa soo taabto.

Nemanja Matic ayaa faraha caseeyey Kasper Schmeichel kaddib kubbad awood badan oo uu bannaanka kaga toogtay.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa isbeddel ku sameeyey kooxdiisa qaybta dambe, waxaanu saaray Jadon Sancho oo uu ku beddelay Marcus Rashford oo ay u ahayd ciyaartiisii koowaad ee xilli ciyaareedkan kaddib qalliin lagaga sameeyey garabka.

Nemanja ayaa badbaadiyey kubbad halis ahayd oo goolka ku socotay oo uu kusoo toogtay Tielemans daqiiqaddii xigtayna waxa fursad dahabi ah la lumiyey Manchester United xiddiga reer Portugal ee Cirstiano Ronaldo.

DAQIIQADIHII MUSALSALKA

Ciyaarta ayaa gashay afar daqiiqadood oo musalsal ah oo ay Leicester City ku dhalisay laba gool, mid kalena ay dhashatay Manchester United.

Leicester City ayaa daqiiqaddii 78aad uu gool u dhaliyey difaaca reer Turkey ee Söyüncü oo shabaqa dhex dhigay kubbad uu ka helay Ayonzo Perez, laakiin Marcus Rashford ayaa daqiiqaddii 82aad saxeexay goolka barbarraha oo ahaa mid qurux badan oo uu goolhayaha la hortegay.

Daqiiqaddii xigtay ee 83aad ayay Leicester City mar kale hoggaanka ciyaarta qabatay, waxaana gool saddexaad u dhaliyey Jamie Vardy. Goolkan ayaa ahaa midkii 7aad ee Vardy uu xilli ciyaareedkan dhaliyo, waxaanu soo qabtay Mohamed Salah oo maanta hal gool dhaafay.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray ayay Leicester City la timid goolkeeda afraad ee ciyaarta waxaana u saxeexay Patson Daka, sidaas ayaanay ciyaartu ugu soo dhamaatay 4-2.

Leicester City ayaa soo gashay kaalinta 11aad ee horyaalka Premier League iyadoo yeelatay 11 dhibcood halka Manchester United ay usoo dhacday kaalinta shanaad iyadoo haysata 14 dhibcood.

Dhinaca kale, Manchester City ayaa 2-0 ku garaacday Burnley oo marti u ahayd, waxaanay yeelatay 17 dhibcood oo ay ku fadhiyaan kaalinta labaad, waxaanay hal dhibic ka sarreeyaan Chelsea oo ay ciyaarteedu mar dhow bilaabmi doonto.

Natiijooyinka kulamadii Premier League ee maanta oo dhamaystiran:

Watford 0-5 Liverpool

Leicester 4-2 Manchester United

Manchester City 2-0 Burnley

Aston Villa 2-0 Wolves

Norwich 0-0 Brighton

Southampton 0-1 Leeds United

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*