Laba Guul-darro Kaddib, Solskjaer Oo Cimrigiisa Man United Kusoo Dhamaanayo Saddexdan Ciyaarood

Manchester United ayaa laba jeer oo kaliya guuleysatay toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada, kuwaas oo afar ka mid ah laga badiyey, midna ay barbarro galeen.

Red Devils oo barbarro 1-1 ah garoonkeedakula gashay Everton ciyaarii ugu dambaysay ee horyaalka Premier League ayaa safar ugu tagtay Leicester City waxaanay kala soo laabatay guul-darro 4-2 ah, iyadoo 12kii daqiiqadood ee ugu dambeeyeyna laga dhaliyey saddex gool.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer waxa kooxdiisa uga sii horreysay guul-darro ay Aston Villa ugu geysatay Old Trafford, taas oo ka dhigan in saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka laba laga badiyey, midna ay barbarro galeen.

Waxa kale oo u raacday West Ham United oo ka reebtay tartanka Carabao Cup iyo Young Boys oo guul-darro ugu aftaxday Champions League, halka kulamadii Villarreal iyo West Ham ee Champions League iyo Premier League ay guulo cidhiidhi ah waqti dambe gaadheen.

Iyadoo xaaladda Manchester United ay sidan tahay ayaa waxa kusoo fool leh saddex caqabadood oo waaweyn oo ah kuwii go’aaminayey mustaqbalka tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ay isasoo tarayaan baaqyada ah in shaqada laga caydhiyo.

Ciyaarta ugu soo horreysa waxay Manchester United garoonkeeda Old Trafford ku qaabbili doontaa Liverpool oo 18kii ciyaarood ee ugu dambeeyey aan laga badin, waxaanay ciyaartani dhici doontaa Axadda toddobaadka dambe, haddii laga badiyana waxay soo dedejin doontaa in Ole Gunnar Solskjaer shaqada laga caydhiyo.

Kaddib waxay waajihi doonaan Tottenham iyo Manchester United oo si dhab ah usoo afjari kara waayaha Ole ee Old Trafford, waxaase xaaladda kasii dari karta Atalanta oo laba jeer ay kulmayaan United muddo saddex toddobaad gudahood ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*