Sir Hoose Oo Laga Helayo Shaqsigii Sababta U Ahaa In Man United Weydo Erling Haaland & Wixii Ay Ku Diideen Saxeexiisa Oo Jabnaa

Suuqii xagaaga ee Manchester United ayay hubaal tahay inuu ahaa mid dhacdooyin badan leh iyadoo ay kooxdaasi intii uu furnaa la saxeexatay Donny van de Beek, Alex Telles, Edinson Cavani. Facundo Pellistri iyo Amad Diallo Troare.

Da’yarka ree Ivory Coast ee Troare ayaa ah isagu mid ka xaalad duwan ciyaaryahanada kale maadaama oo uu bisha January si rasmi ah ugu soo wareegayo kooxdaas oo Atlanta kala sii heshiisay.

Haaland could have been a United player

Marka dusha laga eego tirada ciyaaryahanada ah waxay u muuqataa in Manchester ay xagaa cajiib ah soo qaadatay balse xaalada ayaa ah mid sidaas ka geddisan.

Ole Gunnar Solskjaer ayaan gacanta kusoo dhigin saxeexa daafac dhexe oo uu isku halayn karo iyo waliba bar-tilmaameedkoodii ugu sarreeyay ee Jadon Sancho oo Borussia Dortmund ka tirsan.

Garabka ree England ayaa ahaa ciyaaryahanka koowaad ee uu Ole ka doonayay Old Trafford laakiin guddoomiyaha kooxdaas ee Ed Woodward iyo madaxda kale ayaa iska diiday bixinta lacagta 108-da Milyan ee Pound ah ee ay Dortmund ku doonaysay.

Balse fashilka suuqa ee Man United ayaa ahaa mid sanadahan ugu dambeeyay soo taagnaa waxaana ay sheeko taas lamid ahi hadda ka imanaysaa saxeexii ay kooxdaasi weyday ee Erling Braut Haaland oo ay January aad u doonayeen.

Solskjaer ayaa da’yarka dalkiisa Norway kula heshiiyay inuu Man United ugula soo biiro lacag 20 Milyan oo euro oo kaliya ah balse waxa midaas si toos ah u diiday Woodward.

Sida lagu qoray ESPN, Woodward ayaa iska diiday inuu Haaland keeno Man United sababtoo ah lacagta badan ee uu doonayay wakiilkiisa oo ah wakiilka caanka ah ee ree Talyaani ee Mino Raiola iyo waliba qoddobka uu doonayay in heshiiskiisa lagu daro ee ahaa lacagta lagu jabin karayay.

Dortmund ayaa ka faa’idaysatay fursada iyadoo bixisay 20-kii Milyan isla markaana wakiilkiisa lacagihii uu rabay siisay iyadoo heshiiskiisana ku xidhay qoddob ah in 75 Milyan oo euro lagu heli karo laga bilaabo sanadka 2022.

 

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.